berberatoday.com
Xulka Gobolka Awdal oo Hal Iyo Eber Kaga Adkaaday Xulka Gobolka Saaxil (Sawiro)
November 2, 2016 - Written by Berbera Today

rrrHargeysa(Berberatoday.com)-Kulamada wareega labaad ee Group A ee sideed dhamaadka ciyaaraha gobolada Somaliland ayaa galabta lagu soo gabagabeeyay  garoonka Hargaysa Stadium waxaana kulan adag iskaga hor yimid xulalka gobolada Awdal iyo Saaxil oo ka wada tirsan Group A isla markaana guulo muhiim ah soo gaadhay kulamadii wareega kowaad ee Groupkan waxayna labada xul gobol kulankan ciyaarayeen iyaga oo doonayay in ay sare u qaadan fursada ay ugu soo bixi karaan afar dhamaadka ciyaaraha gobolada Somaliland.

Xulka gobolka Saaxil ayaa kulankii tartanka ciyaaraha Somaliland lagu furay 4:0 ku soo gumaaday xulka gobolka Xaysimo halka Awdan ay 2:0 kaga soo adkaatay xulka gobolka Sanaag. Sidaa daraadeed laba xul oo kulamadii hore isku soo muujiyay ayaa fooda isku daray Hargaysa Stadium.
Bilawgii ciyaarta xulka gobolka Awdal ayaa culays saaray difaac xulka gobolka Saaxil taas oo keentay in difaaca Saaxil ay galaan qalad rekoodhe loogu dhigay kadib markii ay kubbadu gacanta kaga dhacday ciyaartoy gobolka Saaxil ah wuxuuna garsooraha dhexe ee Mahdi Jawaase uu tilmaamay in ay rekoodhe ama gool ku laag tahay.
Waxaa kubbada qaatay isla markaana gool u sarifay Bahdoon Axmed Hadliye oo xulka gobolkiisa Awdal fursadan dahabiga ah uga faa’iideeyay wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 uu xulka gobolka Awdal hogaanka ciyaarta xili horeba kula wareegay.awdalll
Bahdoon ayaa ahaa ciyaartoygii xulka gobolka Awdal guusha ku hogaamiyay kulankii Sanaag isaga oo laba gool hore u soo dhaliyay wuxuuna goolkani ahaa goolkiisii saddexaad ee laba kulan oo uu ka soo muuqday tartanka gobolada Somaliland ee Hargaysa Stadium ka socda.

 

Awdal
Xulka gobolka Saaxil ayaa dagaal wayn ugu jiray sidii ay ula iman lahaayeen goolka barbaraha waxayna abuureen fursado aad u fiican iyada oo Mustafe-Messi uu helay fursado uu xulka gobolkiisa barbaraha ugu keeni karay balse waxa uu awoodi waayay in uu kubbada gaadhsiiyo shabaqa Awdal, Mustafe ayaa ahaa ciyaartoygii labada gool ka dhaliyay kulankii Xaysimo isaga oo waliba laga gool caawineed oo kale sameeyay.
awdal-saxil
Xulka Gobolka Awdal oo kubbad qurux badan ciyaarayay ayaa sidoo kale raadinayay in ay helaan goolka labad ee kalsoonida waxaana dhibaato wayn Saaxil ku ahaa Bahdoon oo ay adkayd in kubbada laga ilaaliyo inkasta oo marka uu kubbada qabsado ay ciyaartoyda Saaxil si adag u ilaalinayeen. Si kastaba ha ahaatee, qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1:0 uu xulka gobolka Awdal hogaanka ciyaarta ku hayay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta xulka boqolka Saaxil ayaa soo laabtay iyaga oo doonayay in ay  ciyaarta dib ugu soo laabtaan laakiin dhibaato wayn ayaa soo gaadhay kadib markii kaadhka cas loo taagay xidiga muhiimka u ahaa ee Mustafe-Messi kaas oo noqday ciyaartoygii labaad ee Saaxil ka tirsan oo kadhka cas qaata labadii kulan ee ay ka soo muuqdeen ciyaaraha Hargaysa Stadium ka socda.
aaaaaaaaa
Kaadhka cas ee la siiyay Mustafe ayaa Saaxil dhibaato wayn ku noqotay maadaama gool looga hormaray qaybtii hore ee kulankan halka Awdal ay u noqotay fursad ay natiijada ku ilaashan karto ama ay goolal kale ku raadin karto. Laakiin Saaxil oo ku ciyaaraysay toban ciyaartoy ayaa wali sii waday in ay raadiso goolka barbaraha.aaaaaaaaa
Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1:0 ay Awdal ku gaadhay guusheedii labaad oo xidhiidh ah, waana xulka kaliya ee ilaa hadda gaadhay laba guulood kulamadii ay ciyaareen waxayna dheeraysteen hogaanka Group A oo ay ku hogaaminayaan 6 dhibcood halka xulalka gobolada Xaysimo iyo Saaxil ay min 3 dhibcood leeyihiin waxaana ugu hoseeya xulka gobolka Sanaag oo aan wali wax guul ah gaadhin.

Kulanka barri waxaa iskaga hor iman doona xulalka gobolada Sool iyo Daad-Madheedh oo ka tirsan Group B isla markaana ay guuldarooyin ka soo gaadheen xulalka gobolada Hawd iyo Gabiley. Halka kulamada wareega labaad ee sidee dhamaadka la soo gabagabayn doono khamiista oo kulanka ugu xiisaha badan ay iskaga hor iman doonaan Gabiley iyo Hawd. Guuldarada soo gaadhay Saaxil ayaa xulka gobolka Sanaag rajadiisa ka dhigtay mid wali sii nool iyada oo kulanka danbe rajadeedu ku xidhan tahay.
KALA SARAYNTA GROUP A
1- Awdal 2 kulan iyo 6 dhibcood
2-Saaxil 2 kulan iyo 3 dhibcood
3- Xaysimo 2 kulan iyo 3 dhibcood
4-Sanaag 2 kulan iyo 0 dhibic

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews