Boqolaal Muhaajiriin Ah Oo Ku Geeriyootay Badda Mediterranean Ee U Dhaxeysa Dalalka Libya Iyo Talyaaniga + Tiradooda
November 3, 2016 - Written by Berbera Today
Libya(Berberatoday.com)-Boqolal qof oo muhaajiriin ah ayaa waxaa ay ku geeriyoodeeen badda Mediterranean ee u dhaxeysa dalalka Libya iyo Talyaaniga waxaana wararku sheegayaan in muhaajirintaas ay tiradoodu kor u dhaafeyso 230 qof .
Muhaajiriintan ayaa waxaa la degay laba doonyood oo ay saarnayeen isla markaana ay ka soo raceen xeebaha dalka Libya .
Hay’adda muhaajiriinta QM ayaa sheegtay in koox muhaajiriin ah oo ay ku jiraan 20 dumar ah iyo 6 caruur ah ay dooni yar ka raaceen xeebaha Libya Arbacadii, balse ay doonidaasi saacaddo kadib badda kula dagtay.