berberatoday.com
Dawlada Japan Oo Dhimaysa Hawlgalka Ka Dhanka Ah Burcad Badeedda Ee Ay Ka Waddo Xeebaha Dalka Somaliya + Sababta
November 3, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Ciidamada Japan ayaa gacan ka gaysanayay ilaalinta maraakiibta ganacsiga ee maraya badweynta Hindiya.

Jaban (Ilays-News):- Dowladda Japan ayaa qorsheynaysa in ay yareyso hawlgalka ay ka wadda gacanka Cadmeed ee xeebaha Soomaaliya, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dalkaasi ee Jiji.

Falalka burcad badeedda ka hawlgasha xeebaha Soomaaliya iyo galbeedka badweynta Hindiya ayaa sanaddadan hoos u dhacay sababo la xidhiidha ciidamo caalamiga ah ee gaafwareegaya goobaha halista ah.

 

 

 

Japan ayaa qayb ka ah hawlgal caalami ah oo ka dhan ah burcad badeedda, waxa ayna hawlgalkaasi ugu deeqday labo diyaaradood oo kuwa basaaska ah iyo labo markab oo ah kuwa dagaalka.

Ciidamada Japan ayaa gacan ka gaysanayay ilaalinta maraakiibta ganacsiga ee maraya badweynta Hindiya.

Wakaaladda wararka ee Japan ee Jiji ayaa sheegtay in mid ka mid ah labadani maraakab hadda lagu celin doono dalka Japan oo uu qayb ka noqon doono ka hortagga halista Kuuriyada Woqooyi.

Arrintan ayaa ku soo beegmayso usbuucyo uun kaddib markii afhayeen u hadlay wasaaradda gaashaandhigga Japan uu sheegay in Tokyo ay ka fikirayso in ay ballaariso saldhig milatari oo ay ku leedahay dalka Jabuuti.

Saldhiggaasi oo ah kii ugu horreeyay oo Japan ay ku yeelato dibadda, waxaana ku sugan ciidamo gaaraya ilaa 200 oo askari.

Dalka Jabuuti ayaa sidoo kale waxaa ku yaala saldhigyo milatari oo ay leeyihiin dalalka Mareykanka iyo Faransiiska, halka Shiinahana uu hadda halkaasi ka dhisanayo saldhig.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews