berberatoday.com
Dawladda Imaaraadka Oo Doonaysa In Cumar Cabdirashiid Noqdo Madaxweynaha Somaliya
November 3, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa dedaal ugu jirta sidii uu Cumar Cabdirashiid oo ah raysalwasaaraha Xasan Sheekh Maxamuud u noqon lahaa madaxweynaha Somaliya ee bedelaya Xasan Sheekh.

 

Dawladda Imaaraadka ayaa casuumad rasmi ah u fidisay madaxda maamul goboleedyada Somaliya ee Puntland Mr. Gaas, Galmudug Cabdikariin Guuleed, Jubaland Axmed Madoobe iyo koonfur Galbeed Mr. Shariif Xasan, halka aan kulanka lagu casuumin Xasan Sheekh oo ah madaxweynaha Somaliya ee wakhtigan. Laakiin Cumar Cabdirashiid ayaa isna ku sugnaa dalka Imaaraadka Carabta.

Wararka ayaa sheegaya in Imaaraadku ay madaxdan ka dalbatay inay codka xildhibaanada baarlamaanka u gelaya ee codaynaya mideeyaan islamarkaana siiyaan codkooda Cumar Cabdirashiid oo ah raysalwasaaraha wakhtigan.

Arrintan waxa aad uga shaqeeyay Danjiraha Imaaraadka u jooga Somalia, Ambassador Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi oo galangal xooggan ugu jira sidii ay Dowladisia saamayn ugu dhex yeelan lahayd Siyaasadda Somaliya, Doorashadda soo socoto  iyo inay Isbahaysi ka dhex samaystaan Dowladda Somaliya iyo Maamul-gobaleedyadda.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Dawladda Imaaraadka Carabta Loolan kula jirto Dowladda Turkiga oo ka mid ah Dowladaha Taageeradda ugu badan siiya Dowladda Somaliya, gaar ahaan dhinacyadda Maaliyadda, Siyaasadda, Ammaanka, Tababarka Ciiddamadda iyo Adeegyadda kale ee Horumarinta Bulshadda.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa u aragta inay ka mid noqoto Dowladaha saamaynta ugu ballaadhan ku dhex leh Siyaasadda Somaliua, gaar ahaan Xilligan Kala-guurka Siyaasadda.

Idaacadaha Muqdisho ayaa baahiyay inay Dawladda Imaaraadka ka walaacsan tahay inay Siyaasiyiinta Somalida ah ee aaminsan fikirka Ikhwaanul-muslimiinka kuraas badan ka helaan Labada Aqal ee Barlamaanka soo socda ee Somaliay iyo inay Hoggaan Sare ka qabtaan Talada Somaliya.

Dowladda Imaaraadka waxay ka baqanaysaa inay Siyaasiyiinta Ikhwaanul-muslimiinka ku xoogeystaan Siyaasadda Somaliya iyo inay Doorashadda kula wareegaan Talada dalka Somalyia oo ay Siyaasiyiinta Al-sheekh iyo Damu Jadiid majaraha u soo hayeen 10-kii sanno ee ugu dambeeyey.

Dawladda Imaaraadka waxay horey kharaj badan ugu bixisay sidii loo kala dhantaali lahaa Ikhwaanul-muslimiinka Masar ee awooday inay Talada dalkaasi kula wareegaan Kacdoon Shacbi oo la maalgeliyey.

Tallaabadii uu Jeneral C/fataax Al-sisi xilka kala wareegay Madaxweynihii hore ee Masar, Maxamed Mursi kuma imanin si fudud, balse waxa uu ku yimid Walaaca ay Dowladaha Gobalka iyo kuwa Reer Galbeedka ka muujiyeen inay Hoggaanka Ikhwaanul-muslimiinka la wareegaan Talada dalkaasi.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews