berberatoday.com
DUCO-QABE Kumuu ahaa Maxamed X. Ibraahim Cigaal? Q.2aad
November 3, 2016 - Written by Berbera Today

Millicsi Kooban: Cigaal

Kumuu ahaa Maxamed X. Ibraahim Cigaal?

ARDEYDII U HOREYSAY SOMALILAND,,,,,Ardaydii dugsigii Sheekh oo uu ku jiro Maxamed Ibraahim Cigaal.

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxa uu ku dhashay sannadkii 1929kii degmada Oodweyne ee gobolka Togdheer isaga oo ku barbaaray magaalooyinka Burco, Berbera iyo Sheekh oo uu ku dhameystay waxbarashadiisii. Hooyadii waxa ay ahayd Khadiija Muxumed Cismaan. Dhowr iyo toban carruur ah oo ay dhashay nolol kuma ay dhalan. Cigaal oo arrintaa uga sheekeeyey Axmed Siciid Cige waxa uu yidhi, “ Haddii dhakhaatiir wanaagsani jiri lahaayeen in la ogaan lahaa inay isku dhiig ahaayeen baa dhici kartay, aniga uun baana dirqi ku badbaaday.”

Aabihii Xaaji Ibraahim guri dambays buu ahaa, madi na wuu ahaa. Maxamed waxa uu ka mid ahaa ardaydii lagu bilaabay fasalkii koowaad ee dugsiga Sheekh ee ugu horreeyey waxbarashada Somaliland. Waxa macallin u ahaa Maxamuud Axmed Cali. Waxa ay isku fasal ahaayeen Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) oo isna Madaxweyne ka noqday Somaliland (1991-1993), Dr. Cali Qaaddi oo ahaa dhakhtarkii ugu horreeyey iyo Injineer Cali Jirde oo ahaa Injineerkii ugu horreeyey. Waxa uu ku barbaaray inta u dhexaysa Bebera iyo Burco, xilliga fasaxana waxa la geyn jiray miyiga, halkaas oo uu ku bartay nolosha miyiga iyo dhaqanka soomaalida, isaga oo barashada dhaqanka casriga ah barashadiisana kula kowsaday waxbarashadaa bilowga ahayd ee uu nasiibka u helay in uu la bilaabo fasalkii ugu horreeyey.

Axmed Siciid Cige  oo ay Cigaal ehel ahaayeen, in badanna la kulmay waxa uu Cigaal ka yidhi, “Inkasta oo uu ka dhashay qoys maal qabeen ah, ahaana wiilka keliya ee qoyska (madi) waxa uu doortay inaanu dhex gelin ganacsiga Aabbihii. Aabbihii Xaaji Ibraahim baa markuu arkay in aanu shuqulkaa u jeedin u yeedhay toddoba oday oo qoyska ah, waxaanu ku yidhi ninkan la hadla xoolahan isagaa lehe, waana keligiiye. Markay odayaashii la hadleen waxa uu ugu jawaabay, “Ma doonayo Aabbahay inaan ka cadhaysiiyo”, nin baarri ah buu ahaa oo waalidka aad u xaq-dhowra. Markii odayaashii hor keeneen Aabbihii waxa uu ugu jawaabay “Aabbo anigu ma doonayo inaan kolba  kuus ruqsado oo aad i habaarto, inaan soomaali oo dhan yeesho oo aan magac yeesho ayaan doonayaa, markaa aabbo i fasax oo waxbarasho ii dir.” sidii baa loogu diray London oo uu wax u soo bartay, markuu dalka dib ugu laabtay horraantii 1950yadii ganacsi uma jeedsane siyaasaddii buu galay.

Korneyl Suleymaan Cumar-ku-joog oo tilmaan ka bixinaya qofnimada Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxa uu yidhi, “Siyaasadda ayaa maskaxda kaga jirtay, aabbihiina ganacsiga. Yuusuf Xaaji Aadan oo ka mid ahaa macallimiintii ugu horreeyey Somaliland waxa uu yidhi ‘markay iskuulka ku jireen arday walba waxaanu weydiin jirnay maxaad doonaysaa inaad noqoto? laba nin baa waxay odhan jireen rumeeyey, Xasan Kayd oo odhan jiray millateri baan rabaa inaan noqdo iyo Cigaal oo odhan jiray waxaan doonayaa inaan siyaasi noqdo. Magac buu siyaasadda u galay ee maaliyad uma gelin, waanu ku guuleystay. Siyaasadu marna maskaxdiisa kama bixin. Nin qabiili ah ma uu ahayn hase ahaatee waxa uu ahaa nin markuu doono siduu doono ugu shaqaysan kara oo markuu u baahan yahay adeegsada maxaa yeelay mujtamaca meesha yaal baa qabiilkaa ka rakiban”

Waxa xilligaasi oo ay aloosnayd dabeyshii madaxbannaani-doonka oo uu hor kacayey Xisbigii Somali National league (SNL) sannadkii 1956kii loo doortay in uu  Xoghaye Guud u noqdo Xisbiga SNL taas oo ay ku soo jiideen odayaal Xisbiga ahaa oo dalka oo dhan ka koobnaa, kuwaasi oo yidhi syaasaddu dhallinyaro ayey u baahan tahee aan rag u doonno, sidaasuu ku noqday xoghayihii Xisbiga isla sannadkaas ayaana aabbihii geeriyooday. Durbadiiba isbeddel weyn baa ku yimid sumcaddii Xisbiga, waxaanu tallaabo dheer ka hormaray Xisbiyadii kale oo dhan. Waxa uu bishii labaad 1960 isaga oo dhallinyaro ah uu gacantiisa ku saxeexay madaxbannaanidii Somaliland ka qaadatay Ingiriiska 26 Juun 1960 isaga oo ay ku weheliyeen Cali Garaad Jaamac, Xaaji Ibraahim Nuur, Axmed-keyse Ducaale, iyo Maxamuud Cabdi Carraale, waxaanu noqday Ra’isul-wasaarihii u horreeyey ee Somaliland.

Markii 1dii July 1960 Somaliland iyo Soomaaliya midoobeen Cigaal waxa uu noqday Wasiirkii Gaashaandhigga isaga oo mar kalena noqday Wasiirka Tacliinta 1963-1964. Cigaal wuu iska casilay jagadaasi isaga oo aasaase iyo hoggaamiyeba ka noqday Xisbi la odhan jiray SNC intii aanu ku biirin SYL. Muddo kadib waxa uu ku biirey Xisbigii SYL iyada oo ujeeddadiisu ahayd in uu ku doonto awooddu halka ay ku urursan tahay, kartidiisana ku soo dhacsado. Taasi waxa ay keentay in uu Ra’isul-wasaare noqdo markii Cabdirashiid Cali Sharma’arke loo doortay Madaxweynihii Soomaaliya July 1967, xilligaas oo uu dalka ka saaray go’doon siyaasadeed iyo dhaqaale oo ka haystay gobolka Geeska Afrika, Afrika weyn iyo dunidaba.

Suleymaan Cumar-ku-joog oo mar kale ka hadlayey shakhsiyadda Cigaal waxa uu yidhi, “Qof la adkaysi ah siyaasadda oo Soomaali ah ma jirin. Su’aalo lagu weydiiyey gurigiisa ayaa waxa ka mid ahaa: Hindiya markii aad ka timid ee in lagu xidhayo laguu sheegay maxaa u timid?  Waxa uu ku jawaabay: Maxamed Siyaad inaan siyaasadda dalka kaga dambeeyaan doonayey isna inaan ka baxsaduu rabay anna taa mayeelayee nasiib kaygaan ka qaadayaa baan idhi.”

Markii dawladdiisii sida dimuqraadiga ah loo soo doortay Maxamed Siyaad Barre afgembiga millateri ku riday, Cigaal waa la xidhay, muddo 12 sano ah ayaanu xabsiga ku qaatay. Dawladdii Cigaal Ra’isul-wasaaraha ka ahaa waxa lagu xasuustaa dimuqraadiyad ballaadhan, xorriyadda hadalka, saxaafad madax bannaan, iyo dadka muwaadiniinta ah oo haystay madax bannaani ay ku cabbiraan rabitaankooda hadal iyo ficilba. Waxa taa ka dambeeyey 21 sano oo cabudhin iyo caddaadis ah ilaa ugu dalkiiba burburay oo kala daatay 1991kii.

Burburkii xukuumaddii Millateri ee Soomaaliya ka dib, Cigaal waxa uu ka qeyb galay sannadkii 1991kii, shirkii dib-u-heshiisiinta ee Soomaaliya ee Jabuuti halkaas oo uu ka diyaariyey talooyin iyo qoraallo taariikhda galay, kuna qoray warqadda caan baxday ee la yidhaa, “the tragedy of Somalia”. 5tii bishii May 1993kii waxa magaalada Boorama loogu doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland taas oo uu hayey ilaa uu ka geeriyooday 3dii bishii May sannadkii 2002.

Mudane Bashiir X. Xasan Geele oo ka mid ahaa Golihii Wasiirrada ee Cigaal xilligii Somaliland-ta cusub, aabbihii Xaaji Xasan Geellena ay saaxiibbo ahaayeen, waxa uu ku sifeeyey  Cigaal Hoggaamiye Siidh ku beeray Meel Saxare ah oo lama degaan ah, midhihii laga faa’iidayna ay maanta guranayaan bulshada Somaliland. Waxa uu sheegay in Cigaal uu aad u ixtiraami jirey dadka Muxtarimka sida Madax-dhaqameedka, Siyaasiyiinta, dadka kale ee waaweyn iyo Masuuliyiinta la shaqaysa iyo cid kastoo mudan oo weliba uu aad u dhageysan jirey talooyinkooda, uuna ka fekeri jirey markasta inuu ummadda wax u qabto, ahaana shakhsi ummadda u shaqeeya laakiin aan ka shaqaysan.

Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Madaxweyne-ku-xigeenkii Cigaal (1993-1997) waxa uu ka warramay sida Cigaal u xidhiidhin jiray raggii ay soo wada shaqeeyeen “Waxaan xasuustaa mar ay noo yimaadeen rag ay wada shaqayn jireen oo Cabdulqaadir Soobe iyo Sheekh Mukhtaar ka mid ahaayeen. Gellinkii dambe ayaa aqalka madaxtooyada maalintaa dusha la wada fadhiistay oo Cabdi Waraabe, Sheekh Ibraahim iyo Sheekh Muuse Goodaad baa meesha fadhiyey. Maalin uu ka farxad badnaa ma jirin. Hebel xagguu qabtay iyo wareysi xusuus ku dheehan buu ku fogaaday. Dad halgan soo wada galay bay ahaayeen sidan SNM tu uga sheekaysato maalmihii adkaa ayey uga sheekaysanayeen oo farxad weyn bay ahayd. Waxa muuqatay in dadka meesha joogay ee aannu ka mid ahayn intay soo wada qaateen aannaan soo wada qaadan.”

Waxa la sheegaaa in Cigaal uu millateriga iyo askarta necbaa, ragga la soo shaqeeyey ee madaxweyne-ku-xigeennada u noqdayna askar bay ahaayeen sida Cabdiraxmaan Aw Cali iyo Daahir Rayaale. Cabdiraxmaan oo arrintaa ka hadlayaa waxa uu yidhi, “Raad baa arrinkaasi Cigaal  ku reebay, millateri wax difaaca buu jeclaa se millateri wax xukuma ma jeclayn.”

La Soco…

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews