berberatoday.com
Gabay Barroor-diiq U Ah Marxuum Prof Axmed Cabdi Dacar Oo La Magac Baxay Maantana Warkii Dacar
November 3, 2016 - Written by Berbera Today

Abwaan Sacad Axmed Xasan-roodhiile ayaa hal-abuuray gabay barroor-diiq ah oo la magac baxay Maantana Warkii Dacar oo uu ka tiriyey geeridii naxdinta laheyd eek u timid Prof. Axmed Cabdi Dacar, illaahay naxariistii janno hawgu deeqee oo ku geeriyooday magaaladda Hargeysa, taariikhdu markay aheyd 21/10/2016.

sacad axmed xasan roodhiileAbwaan Sacad oo ka waramaya Gabaygan ayaa waxa uu yidhi “Meerisyada gabaygani waxay isugu jiraan kuwa duco ah, kuwo taariikh-nololeedkii marxuumka ka hadlaya, iyo kuwo cibro-qaadasho ah oo macnaha adduunyada sida ay madadaalo u tahay sheegaya, iyo beydad ka hadlaya awoodaha illaahay iyo inay geeridu tahay maamulkiisa oo xaq ah, markaa waxaa kaaga kordhaya cibaado iyo barraarug”.

Gabaygan oo la magac baxay Maantana Warkii Dacay ayaa Abwaan Sacad waxa uu ku bilaabay sidan:

Maantana warkii dacar miyaa, murrugo soo yeedhay

Macallinkii aqoontiyo miyaan, mudanihii weynay

Maddadaalo dunidaay miyaa, mood yar lagu daalay

Meel ruuxna waarayn miyaa, laga macaan doonay

Miyaan Muxamed nebigii (scw) ka tegin, mawd xaq weeyaane.

Mahuraan adeer iyo awoow, lagama maarmeyne

Haddaan midhadh wanaag uu lahaa, millicsi kuu sheego,

Qof waliba manfaca uu taraa, lagu majeertaaye

Mabda’ii dhexnimo iyo runtii, maan xornimo qaatay

Muran kuma dhex quusayn kolkay, maayad socotaaye

Dawladnimo muxaafida hadday, cuddud wax maagayso

Dulmi kagama meermeeri jirin, meel kastuu jira’e

Kol mucaaridkii weeranyoo, la isku maandhaafo

Iyagana miyirin wuxuu jeclaa, maan wax sheegiiye

Mur hadday qadhaadhahay xaqii, kama mildhaabayne

Midhihii tacliintiyo wixii, daris la maalaayey

Manfacada cilmiga aad dhigtaa, lagu macaashaaye

Oon maalin kaa go’in ajriga, aakhiraa mudane

Muftaaxii aqooneed ninkii, garasho maaxaayey

Manhajkii daraasiyo kulliyad, Macallin soo saarta

Maskax wuxuu la yimid aadanow, Marin la raacaaye

Jahliguu masaxay maalintuu, shiday misbaaxiiye.

Maandhow in badan wuxuu halgamay, maalmihii adage

Markii tawradii macangagii, maxasta laynaysay

Dabaabaadka miigiyo madfaci, dhibica moodaysay

Maatiduu u digay caalamkii, maganta noo dhawrye.

Intuu meel kasta u maray dalkani, magac inuu yeesho

Ictiraaf mabdi’i uu bandhigay, madasha reer caalam

Waad garan muhiimkii waxaa, maqan la raadceeyey.

Madarow akhlaaq wuxuu lahaa, ugu macaanayde

Marna waxaan illoobayn qalbiga, muxubadiisiiye

Maqaaladu qoraa noogu filan, madax war sheegeede

Mar haddaan la garanayn nin raggi, maalintuu joogo

Mugdi weeyi garashada dadkaan, mahadin ruuxoode

Makhluuqani u soo kacay dadkaa, mawjad hirrar moodo

Aas qaran maqaamkiis miyaa, madax saf loo joogay.

Miisaanka ducadii ergada, maallig ugu deeqye

Macbuudkaan baryaynaa jannaa, lagu macaashaaye

Allahayow maciin kale ma lihin, adiga mooyaane

Masiibada danbiga saamaxdiyo, xumaha aad maydho

Marxuumkiyo intii nool dadkaba, muuminimadooda

Ruuxna kaama maarmoo rabbow, maalig baad tahaye

Wax la moogan yahay waad ogtoo, maan adaa garane

Hana hoojin maalmaha cadaab, millicda loo joogo

AAMIIN, AAMIIN

Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun   

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews