Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Ka Qeyb Galay Xuska Sanad Guurada 23 Aad Ee Ciidanka Booliska Somaliland+Daawo Sawirada
November 3, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweyne ku xigeenka Somalilland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaciil Saycli iyo xubno wasiiro ah oo uu hogaaminaayo ayaa waxaa u maanta ka qeyb galay xuska sanad guurada 23 aad ee ciidanka booliska Somaliland oo lagu qabtey taliska guud ee ciidankaasi

Sidoo kale xuska sanad guuradan ayaa waxaa ka soo qeyb galay taliyayaasha ciidamada kala duwan ee Somaliland , sarakiil ciidan oo ka socotey dalalka jaarka sida itoobiya , sarakiil kale oo ka socotey dawlada caalamka oo toobabaro kala duwan siiya caalamka , saladiin iyo marti sharaf kale
Ugu horeyn Taliyaha guud ee ciidanka Booliska Somaliland ayaa waxaa uu kormeer ku soo mariyey qeybaha kala duwan ee ciidanka madaxweyne ku xigeenka isaga oo sharaxaad dheerna ka siinaayey .