berberatoday.com
Qisada Faqrigii Adkaa Ee Soo Maray Qoyska Boqortooyada Sucuudiga Iyo Waayihii Boqor Salmaan Xalwadda Iibin Jiray
November 3, 2016 - Written by Berbera Today

Riyaad(Berberatoday.com)- Boqorka dalka Sucuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdalcasiis,oo ah boqorkii toddobaad ee dalka Sucuudiga taladiisa qabta intii ka dambaysay sannadkii 1932kii oo ay dhalatay waxa loo yaqaanno dawladda Sucuudiga ee saddexaad.

Waa Lix boqor oo walaalo ahaa iyo aabahood Cabdalcasiis oo isagu ahaa boqorkii aasaasay boqortooyada Sucuudiga, kadib markii uu maamul-gobaleedadii yaryar ee jiray hortii qasab ku mideeyey, kana dhigay boqortooyo qoyskiisu ka taliyo.

Boqor Salmaan waxa uu dhashay saddex sano uun kadib markii uu aabihii ku dhawaaqay boqortooyada, oo xilligaas ahayd dhul saxare ah, oo faqri aad u darani ka jiro. Haddaba boqor Salmaan ayaa dhowaan ka sheekeeyey duruufihii dhaqaale ee waagaas haystay guud ahaan Sucuudiga iyo gaar ahaan qoyska uu ka dhashay. Boqorka oo sheegay in aanu ka khajilayn noloshii faqriga ee soo martay in uu ka sheekeeyo, waxa uu caddeeyey in xilliyada Xajka ay isaga iyo walaalihii  ay mac-macaanka, iyo Iskiriinka ku dhex iibinjireen xaramka. Waxa ka  sii dhib badnayd in cuntooyinkan yaryar ee ay iibinayaan aanay u haysan lacag ay marka hore ku soo iibsadaan, sidaa awgeed uu aabahood Cabdalcasiis Aala-Sacuud oo ah boqorka boqortooyada Sucuudiga aasaasay uu ka soo amaahan jiray ganacsatada, marka ay lacagta soo saaraan carruurtu uu ugu celiyo deynta faa’idadan ugala baxaan.

Boqor Salmaan waxa uu sheegay in aabihii uu isaga iyo walaalihiisa kalaba suuqa u kaxayn, jiray kadibna inta uu dukaamada waaweyn geeyo uga soo amaahan jiray mac-macaanka, waayo ma’uu haysan lacag uu ku bixiyo, ee waa in uu iska bixiyo marka ay lacagi soo gasho. Boqorku waxa uu sheegay in xajku u ahaa sannad kasta maalmo ay tirsadaan oo sugaan, waayo waxa ay heli jireen dhaqaale ay ku iibsadaan cuntooyin iyo waxyaabo ay u baahan yihiin oo aanay marka kale lacag u haysan. Waqigan uu boqorku ka sheekeeyey waa intii aanu boqor Cabdalcasiis si fiican dhidibbada ugu taagin dawladda Sucuudiga, iyo weliba intii ka horeeysay soo saaristii shidaalka oo dalkaas u horseeday barwaaqo iyo horumar aad u ballaadhan.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews