berberatoday.com
Shacabka Reer Somaliland Waa In Ay Garta Xisbiga Ucid Wax Ka Maqaan, Maadaama Ay Iyagu Codkooda Ku Soo Saareen Xibiga Ucid ! Qalinkii: Cabdiraxmaan Fidhinle (Uk)
November 3, 2016 - Written by Berbera Today

1. Sharci jabin Joogto ah : Faysal Ali Waraabe xeerarkii xisbiga iyo heshiisyadii la gelayba wuu wada jebiyey, Wuxuu si xeerarka xisbiga ka baxsan oo iskii ah ugu dhawaaqay in uu eryay xoghayihii Golaha Dhexe ee xisbiga oo shirwayne lagu doortay, isla markaana uu iskii u soo magacaabay Xoghaye cusub.

1. Sharci jabin Joogto ah :  Faysal Ali Waraabe  xeerarkii xisbiga iyo heshiisyadii la gelayba wuu wada jebiyey, Wuxuu si xeerarka xisbiga ka baxsan oo iskii ah ugu dhawaaqay in uu eryay xoghayihii Golaha Dhexe ee xisbiga oo shirwayne lagu doortay, isla markaana uu iskii u soo magacaabay Xoghaye cusub. Sidoo kale, waxaa uu Faysal iskii ugu dhawaaqay in uu Gudoomiye ku xigeenkii xisbiga eryay, badalkiisa na qof kale u  magacaabay. Sida xeerka Xisbigu dhigaayo, xubnaha hogaanka xisbiga waxaa lagu magacaabi karaa ama lagu eryi karaa uun shirwayne, Gudoomiyuhuna awood buuxda  umaba laha kelidii. 
 
2. Sheegasho musharaxnimo aan sharci ahayn oo Yool baadh ah:  Faysal waxa uu sheegtay in uu yahay musharaxa xisbiga ee doorashada soo socota, taasina ay tahay sababta khilaafkan sii hurinaysa. Waxa ay looyaraddii maxkamada Sare isaga oo soo ligan usheegeen in xeerka xisbiga iyo sharciga xisbiyada ee dalka (Xeer 14) midna aanu dhigayn in aan qof xisbiga ka mid ah laba jeer wax ka badan loo dooran Karin gudoomiye iyo musharax toona.
3. Ku takri fal hantiidii xisbi:  Faysal Ali Waraabe waxa lagu eedeeyay, cadaymana maxkamada la keenay, in uu burburiyay nidaam xisaabeedkii iyo waaxihii xisbiga oo dhan. wuxuu eryey xoghaye-yaashii maaliyada ee kala danbeeyey markii uu fursadaa helay, ayaa waxaa u fududaatay in dhaqaalaha xisbiga na aan xisaab xidh loo samaynin ee uu sida uu doono ugu takri falo.
4- Faysal Wuxuu tahli waayey in uu  Afar sanno shir isugu yeedho Golaha Dhexe ee xisbigaiyo Gudiga Fulinta ee xisbiga midna dadkii labadaa Gole ku jiray oo dhamina way ka dareereen xisbigii oo keligii ayaa ku soo hadhay. Waxana la isku raacay in uu Faysal halkaa ka faa’ideystay oo uu Xisbigii unoqday irmaan iyo Bakhaar uu gaar u leeyahay. 
5.  Sharci Jebin Xukunkii  Gudida diwaangelinta ee uu hore u aqbalay kadibna uu jebiyey ee uu rafcaan ka qaatay misna kii ugu danbeeyey ee la yidhi labada garab ha joojiyaan shirarka ay ku dhawaaqeen oo ha wada qabsadaan  shirkii maxkamada sare soo xukuntay oo uu isna jebiyey.
6-Wuxuu Jebiyey Xukunkii Maxkamada Sare u soo xukuntay ee tidhi labada garab shirweyne ay udhanyihiin oo aan caadi aheyn oo gudi labada garab ahi ay soo qaban qaabiyaan ha qabsadaan.
7- Faysal Ali Waraabe hadii uu leeyahay Hal-abuur siyaasadeed iyo himolo fog oo uu dadka iyo dalkaba ku hore mariyo muu heleen 15% iyo17 % labadii doorasho ee uu Madaxweynenimada u tartamay. Faysal wuxuu madi ku yahay oo uu baabiiyey xisbiga Hamigiisi, Higsigiisii iyo Hayaankiisii Doorashada soo socota uu ku guuleysan lahaa sidaa daraadeed waa in xisbiga loo gurmadaa oo laga bad-baadiyaa Faysal Ali Waraabe oo doorsho diid ah.
8- Maadaama file kii dacwada lagu soo celiyey Gudida Diiwaangelinta ururada Saiyaasada waa in xukunka Dacwadan si hufan ay uwaafajiyaan Gudidu Shuruucda xisbiyada qaranka uyaala , Xeer -14ka iyo heshiiskii labada garab ay wada galeen si ay usoo af-jaranto  dacwadan xisbga ucid ee sii dabo dheeraatay.
Guntii iyo Gebagebadii :  Waxaan xisbiyada kale u soo jeedinayaa in ay wax ku qaataan sifaha loo xukumay loona xukumi doono khilaakan ragaadiyey labada garab ee xisbiga ucid.
Waxaan idiinku soo Garoocayaa – Anigu Daaha kama rogine ee dadkuba wuu arkaayaa!!
Alleh ayaa Mahada Leh,
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews