berberatoday.com
Xaaladda Abaareed Ee Gobollada Bariga Somaliland Oo Sii Adkaanaysa Iyo Dad Xoolihii Ka Dhamaadeen Oo U Barakacay Tuulooyinka
November 3, 2016 - Written by Berbera Today

“Xoolihii way naga dhamaadeen, Waabkaa yar baan dhistay, Carruur yar-yarna waan haystaa, halkaa ILAAHAY baa nagu og..” Hooyo Abaatu Baro-kicisay

Saraar(Berberatoday.com)-Xaaladda Abaareed ee ka jirta Gobollada Sool, Sanaag, Togdheer, Saraar iyo Saaxil, ayaa faraha ka baxday isla-markaana mareysa meel halis ah.

Warka Abaarta ee kaleAbaarta ka jirta Gobolladaasi, ayaa sababtay in Xoolihii u bakhtiyaan Biyo iyo Baad la’aan, ka dib markii Roobabkii la sugayey Sannadkani aanay si fiican uga di’in dhulkaasi.

Dadkii reer Guuraaga ahaa ee ku noolaa bariga Gobollada Bariga qaarkood, ayaa ka barakacay Meelihii ay ku noolaayeen, markii Abaartu ka dhamaysay Xoolihii, waxayna qaarkood Cooshado yar-yar ka dhisteen Tuulooyinkii ugu dhawaa dhinacyadooda, si ay Carruurta ugu helaan Biyo iyo Cunto ay ku noolaadaan, wallow ay jiraan Carruur meelaha qaarkood ugu dhintay Xanuunka Shubanka oo dillaacay.

Dadka Abaatu saamaysay oo qaarkood la hadlay Telefiishanka Qaranka oo kormeer ku sameeyay Deegaannada Abaartu ka jirto qaarkood, ayaa sheegaya, “Xoolihii iyagoo taag-taagan bay bakh-bakhtiyeen, Dameerihii Gaadiidka noo ahaa ee aanu dhaansanaynayna waa kuwaa Bakh-bakhtiyey. Markaa Geel iyo Xadhi midna ma hayno ee waxaad qaban kartaan uun Qabta.”ayuu yidhi, mid ka mid ah Dadka Abaartu saamaysay.

Haweenay dhex fadhida Waab-yar oo ka samaysay Karaatoon iyo baco, ayaa iyaduna sheegtay, “Xoolihii way naga dhamaadeen, Waabkaa yar baan dhistay, Carruur yar-yarna waan haystaa, halkaa ILAAHAY baa nagu og, markaa Taakulo ayaanu u baahanahay.”ayay tidhi, iyagoo aad u niyad xun.

Mid ka mid ah Rag waday Awr ay la soo waayeen meel ay Biyo ka dhaamiyaan oo Weriyayaasha Telefiishanka Qaranku la kulmeen, ayaa sheegay, “Markaad Dhulka marto waad yaabaysaa waxa Xoolo Bakhti ah yaalla, markaad dhibaatada intaas leeg baa jirta, ILAAHAY baanu sugeynaa.”ayuu yidhi.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews