berberatoday.com
Xildhibaan Talyanle Oo Ku Baaqay In Loo Gurmado Dadka Ay Abaaruhu Ku Haleeleen Gobolada Bari Ee Wadanka
November 3, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Cabdiraxmaan Talyanle), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay abaarta baahsan  ee ka jirta Gobolada Bari ee dalka, waxaanu sheegay in xaalada ay ku sugan yihiin dadka degan Goboladaasi ay aad u liidato, oo laga dayrinayo, waxaanu ku taliyey in gurmad lala gaadho.

ta(2).jpg

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle), oo Wargeyska Geeska Afrika u waramaya ayaa yidhi “ILLAAHAY ha u gargaaro dadkan ay Abaaruhu hayaan, Beesha Caalamka, Xukuumadda, Ganacstada Somaliland iyo cid kasta oo reer Somaliland ah waxaan ugu baaqay inay caawiyaan dadkooda abaaraysan, maxaa yeelay

aad iyo aad baa looga dayrinayaa xaalada dadka Gobolada Barri, abaartiina si xun bay u gashay, markaas dadkaas intii karaankeena ah aynu wax u tarno, oo aynu caawino”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “ALLE oo qudha ayaa abaarta raxmad iyo roob inoogu bedeli kara, deeqda ALLE iyo nimcadiisa wax la barbar dhigi karaa ma jirto, markaas ALLE waxaynu ka baryeynaa inuu raxmaadkiisa inoo shubo, oo abaarta inaga saaro, madaama aynu nahay dad islaam ah oo ILLAAHAY nimcada islaamida siiyey, waxa inala gudboon inaynu la nimaadno camaal saalix ah, oo aynu ka dheerano dambiyada, si ALLE inoogu naxariisto”

 

 

Xigasho Geeska Afrika

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews