Ayaa Ka Mas,uul ah Khatarta Ka Iman Doonto Xadhkaha Diiran Ee Laydhka Shirkada TELESOM Ku Daadidays Suuqyada Iyo Xaafadaha Gabiley,
November 4, 2016 - Written by Berbera Today
Ayaa Ka Mas,uul ah Khatarta Ka Iman Doonto Xadhkaha Diiran Ee Laydhka Shirkada TELESOM Ku Daadidays Suuqyada Iyo Xaafadaha Gabiley,
Shirkada Isgaasiinta Ee Telesom Laanteeda Magaalada Gabiley Gaar Ahaa Qaybta Laydhka U Shida Magaalada Gabiley Oo Wakhtigani Ah Shirkada Labaad Ee Laydhka Magaaladaasi Ka Dib Markii Ay shirkadihii kale ee laydhku ay midoobeen balse shirkada telesom ay weli gaarkeedii ugu shido laydh macaamiisheedii hore,
Hadaba Shirkada telesom laanteed magaalada gabiley oo mudooyinkan ugu dambaysay isku dayeysay in ay dib u habayn ku samayso Xadhkaha laydhka ee dhexmara suuqyada iyo xaafada magaalada kuwaasi oo ay xadhkihii hore ku badaleen Xadhko waa weyn oo ka smaysan silig diiran balse ayaan daro ah in aanay masuliyiinta shirkada telesom ayna is waydiin dhibaatada ay xadhkahaasi ku keenayaan bulshada,
Xadhkahani ay shirkada telesom baacisay gabiley oo ah xadhakaha diiran ee ay shirkadaha caalamku u adeegsadaan meelaha ka baxsan magaalooyinka ayaa u muuqda kuwo halis badan,
Xadhkaasi Diiran ayaa waxa halista ay keeni karaan ka qayliyey qaarka ganacsada magaalada gabiley sida ganacsada kaalmaha shidaalka Kuwaasi Xadhkahaasi ku tilmaamay kuwo halis ku ah shidaalka ay iibinayaan,