Baashe Cali Jaamac Waa Halyey Qaran: Wuxuu mideeyey Somaliland wuxuuna Dadka Ka Qabtay Agaasimihii Guud kaas oo loo eryey laba Wasiir ee hore harti ah.
November 4, 2016 - Written by Berbera Today
Mudane Baashe Cali Jamac waxa hubaal inuu taariikhda baal dahab ah ka galay kasbadayna quluubta beelaha dhulbahante iyo guud ahaanba Somaliland. Waa siyaasi ruug cadaa ah oo ay sarayso fekerkiisu. Waxa uu qayb ka ahaa aas aaskii Somaliland isagoo ka soo bilaabay baligubadle. Waxa uu mudo yar ku qabtay hawl qarankan ku qaadan lahayd nus qarni. Guulaha Baashe Cali Jaamac waxa qiray madaxweynaha ka dib shirkii ka dhacay awr boogays iyo kii ka dhacay adhicideeye ee lagu mideeyey Beelaha dhulbahante iyo Somaliland. Baashe Cali Jaamac waxa uu xaqiijiyey shirkii weynaa ka dhacay dhowaan Adhicadeeye ee u madaxweynu ka qaybgalay. Baashe Cali Jaamac dedaalkiisa ayey ka dhalatay in madaxweynu seexdo laascaanod iyo adhicadeeye iyo inay isasoo dhiiban kooxdaCali Khalif Galaydh ee Khaatumo ka dib markuu Baashe Cali Jaamac usoo jabiyey shacbiyadii xaga Somaliland. Waxa uu sabab u ahaa inay Beesha Dhulbahante isu diwaan geliyaan doorashada oo ay noqdaan cudud siyaasadeed oo taagan.
Mudane Baashe Cali Jaamac waxa uu muujiyey waxqabad weyn oo xaga biyo balaadhinta dalka min galbeed ilaa bari. Waxa uu qoday ugu yaraan konton ceel biyood oo ku yaala goboloda dalka oo dhan. Waxa uu wadaa biyogelinta iyo balaadhinta biyo qaybinta magaalooyinka Burco, Boorama, Berbera, Laascaanod, Ceelafweyn, Garadag, Fiqifuliye, Hadaaftimo, Badhan, Buuhoodle, Taleex, Awrboogayd, Saylac, Lughaya, Bulaxaar, Oodweyne, Balidhiig, Caynaba iyo qaar kale oo badan.
Tan iyo intii uu xilka la wareegay waxa qabad ku ahaa C/rizaaq Naakhuude (agaasimihii guud) kaas oo ugu faani jiray in uu madaxtooyada ka haysto kalsooni isagana eryo karo. Hadaba waxa wasaarada biyaha far dheeraatay ku noqday Agaasimihii guud kaas oo ay khilaaf iyo is qabqabsi ku dhamaysteen wasiirkii Baashe ka horeeyey oo aah Xuseen Axmed Cabdalle. Markii shaqadii wasaaradu fadhiisayay khilaafkoodiina dhamaan waayey waxa shaqada laga eryey Wasiirkii. Waxa kale oo ay khilaaf ku dhamaysteen Wasiirul dawlihii wasaarada biyaha C/salaan Maxamed Xasan kaas oo uu ku yidhi adeer madaxweyne kana iga eri. Kaas oo la eryey oo lagu soo bedelay Mahdi Cismaan Buuri.
Hadaba waxa muuqatay in Baashe Cali Jaamac uu la kulmay jalaafooyin iyo hagardaamooyin kaga timi agaasime guud oo aan ka amar qaadan oo had iyo khilaaf abuur ah.Halyey Baashe Cali Jaamac waxa uu u qalma in lagu maamuuso shahaadada nabada aduunka hawlaha taariikhiiga ah dartiis.
Markiiba Mudane Basshe Cali Jaamac waxa uu la kulmay dagaal iyo wax iska celin ka timi Agaasimii guud (Ina Naakhuude). Waxa uu ka waayey wada shaqayn kaas oo ay ku keliiftay wasiir Baashe inuu in badan u dul qaato. Ina Naakhuude waxa uu fidmo iyo xasarad iyo utun iyo eel aan hadhayn ku abuuray shaqaalaha wasaarada mid degmo ilaa gobol. Waxa uu ka abuurtay silsilado adag wakaaladaha biyaha kuwaaas oo ku shoobareynaya wasiirka biyaha. Waxa uu abuuray inay wakaaladaha biyuhu fowdo ku abuuraan wasiirka xidhiidhkiina ka jiraan iyagoo ka lod haysta ina naakhuude. Baashe Cali Jaamac oo ah ninka dhulbahante ugu miisaanka culus oo weliba tiir aad u adag ihi waxa uu fahmay dhagarta Ina Naakhuude waxa uuna kajoojiyey shaqadii. Ina Naakhuude waxa uu sii laban laabay dagaalkii isagoo leh waxa ii adeer ah Siilaanyo iyo Saleebaan Gaal oo aniga eryi kara Baashe Cali Jaamac sidaan u eryey wasiiradii hartii isaga ka horeeyey. Hadaba waxa aanuu ogayn Baashe inuu yahay ninka dhulbahante jahayn kara kuwaas oo uu ka keenay cod gaadhaaya 120,000 (boqol iyo labaatan kun) kaas oo uu ku dumin karo xumaadada iyo xisbiga kulmiye hadii Baashe Cali Jaamac laga qaban waayo ina naakhuude. Siday xaqiijiyeey shaqaalaha wasaaradu waxa ka duulay wahabkii iyo shaqadiina wasaaradanu waxay u dhaqaaqday si xawliya ah markii shaqada lag joojiyey ina naakhuude. Waxay la furay xafiisyadii looga yaacay ina naakhuude waxaana dib u bilaabay shaqadii ay haayadihii wada shaqaynta la lahaa wasaarada ee ina naakhuude af garan waayey waayo muu ahayn qof khibrad iyo xirfad u leh maamulka mashaariicda iyo kan dawliga ah.