berberatoday.com
Xukuumadda Oo Sharciga Horkeenaysa Haweenay Calanka Somaliland Ku Gubtay Degmadda Qorilugud
November 4, 2016 - Written by Berbera Today

Burco(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Qabo, ayaa wacad ku maray in aan laga hadhi doonin ciddii ka dambaysay calanka Somaliland oo dhawaan lagu gubay degmadda Qori-lugud oo ka tirsan Gobolkiisa.Waxa uu sheegay in aan reer Qori-lugud laga aqbali doonin in haddii ay wax tabanayaan in ay gubaan calanka tawxiidka leh ee qaranka Somaliland.Guddoomiyaha Gobolka oo booqday degmadda Qorilugud, oo la hadlay dadweynaha magaaladaasi ayaa tilmaamay in qofkii dhawaan calanka Somaliland gubay oo la sheegay in ahayd ruux dumar ah in sharciga la hor keeni doono. “Wax aanu yeelayno ma aha, wax aanu ka hadhaynana ma aha, ciddii ka dambaysay, daba-gal ayaannu ku samaynaynaa. Reer Qorilugud, in aad gubtaan calanka tawxiidka leh, gabadha gubtay, dumar bay ahayd baa la yidhiye, ka hadhi mayno waanan daba gelaynaa. Calanka madow qofka la soo baxay ee xidigta leh (Calankii Soomaaliya), haddii uu macnihiisa garanayo, lama uu soo baxeen,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Togdheer. Badhasaabku waxa uu intaas ku daray inay dalka ka taliso dawladda Somaliland, isla markaana ay tallaabo ka qaadi doonto cid kastoo fal noocaasi ah ku kacda. “Dalkan iyo dadkan dawlad baa xukunta, madax baa idinla joogta, haddii aad wax saluugteen, si gaar ah ayaa loo sheegtaa, laakiin in aad ilaa xadkaa socotaan, cidina idinka yeeli mayso,”ayuu yidhi Maxamed Ibraahim Qabo.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews