berberatoday.com
Digtoor Reer Somaliland Ah oo Dhalinyarro ah oo Ka Sheekeeyay Dhibaatooyinka Dhimashada fudud Ku Keena Muwaadiniinta Dalka
November 5, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Mid kamid ah Dhakhaatiirta da,da yare e aqoonta iyo Xirfada Caafimaadka usoo bartey dalka Somaliland ayaa daraasad dheer ku cabirey in dhibaatooyinka iyo dhimashada fudud ee Muwaadiniinta Somaliland ay qeyb ka tahey kalsooni darada haysta Bulshada ee Dhinaca Caafimaadka iyo Dhakhaatiirta dalka Gudihiisa taas oo had iyo jeer loola cararo Cusbitaal dalalka dariska ah sida Itoobiya Jabuuti,Hindiya,Maleeshiya iyo wadao kale,taas oo sababta in qofku inta aanu Cusbitaalkii lagu wadey u geeriyoodo xaaalad.
Dr Mustafe Cumar oo kamid ah dhakhaatiirta da,da yar oo faafaahin ka bixinaya qodonkan dhibaatada Caafimaadka la xidhiidha ee Bulshada Somaliland qoraal uu ka diyaariyay isagoo dhameys tiran waxa uu udhignaa sidan:-
“Magaalada Hargeysa waxa dhawaan laga furay shirkad weyn oo nooceedu ku cusub yahay Somaliland taasi oo keeni doonta qalabyo Caafimaad Oo kala duwan oo aad looga rabay Hargeysa iyo guud ahaan somaliland.
Shirkadan cusub oo magaceeda la yidhaahdo Q-unit Medical Instruments Co Ltd ayaa waxa dalka keenay Dr. Mustafe Cumar Yuusuf oo ka yimi wadanka Dibadiisa Ahna Digtoor Khibrad u leh noocyada kala duwan ee qalabka caafimaadka gaar ahaan kuwa laga isticmaalo goobaha caafimaadka. Sidoo Kale Dr-Mustafe Waxa Uu Ka Mid Dadka Aasaasay Shirkadani waxana uu yahay aas-aasaha shirkadan.
Dr. Mustafe oo maanta saxaafadu kula kulantay Xafiiskiisa magaalada Hargeysa ayaa sharaxaad ka bixiyay sababta ku dhalisay in uu sameeyo shirkadan ay dadku aadka ugu baahnaayeen waxana uu yidhi” Markii Aan Ku soo laabtay wadanka oo aan muddo dheer ka maqana , waxaan la kulamay waxyaabo fara badan oo ka dhiman adeegyada caafimaadka iyo tayada istibaalada wadankeena oo aad u hoosaysa , waxa wax lala yaabo igu noqotay sida ay tayada goobaha caafimaadku ee dalka ay u liidato kaaso xittaa laga qaadi karo xanuuno badan . goob caafimaad sideedaaba waa in ay ahaata meel nafadeeda laga shaqeeyay si looga hor tago infectionka ama xanuunada kale ee ka dhalan karra ”
Dr-Mustafe waxa uu intaasi sii raaciyay ” muddo dheer oo aan ku jiray case-study ama baadhitaan ka xaaladaha caafimaad daro ee ay dadku u dhintaan , in aan ogaaday in bulshadeenu 80% ay u dhintaan dhiig bax (blood loss) taaso ay keentay in aanay jirin wax daawooyin ah oo lagaga hor tago xaalahaas. waxa sidoo kale aan ogaanay in bulshadeenu 90% ay sidoo kale u dhintaan ‘ Infection ‘ marka qaliin lagu sameeyo ka dib taaso ay keentay tayada iyo qalabka loo isticmaaloyo iyo nadaafada goobta caafimaadka oo aad u liidata . haddaba sasabta igu dhalisay in aan qalab kan caafimaad aan dalka keeno waxay ahayd ka dib markii aan arkay ..
Dr. Mustafe Omar waxa uu hadalkiisa ku sii daray “markaan arkay in ee aan ogaaday in ay muhiim tahay dadaal u muujinta bukaanada kala duwan ee imanaya ama yaaalla goobaha caafimaadka
waxaan go’aan ku gaadhay anigo ujeedadaydu tahay sidii looga hor tagi lahaa xaalad kasta oo timaada iyo sidii ay dadku u heli lahaayeen qalab tayadiisu aad u sareeyso oo faaido weyn u taraya bulshada iyo dhamaan wixii bukaan ah ee yaalla goobaha caafimaadka haddi ay tahay qaar qaliin lagu sameeyay iyo qaar kalaba . waxaan hadalkayga kusii koobayaa oo aan cod dheerna ku leeyahay in dadkeenu u baahan yahay oo ay xaq u leeyihiin in ay helaan wax waxtar u leh caafimaadkooda , haddaba anigo ah maamulaha shirkadi waxaan u sheegaya bulshadeena in aan dadaal dheer u gali doono sidii aad u heli lahaydeen tayo caafimaad ..
Dadweynaha Magaalada Hargeysa ayaa xaruntan si weyn usoo dhaweeyay iyaga oo sheegay in ay ahayd in mar hore xaruntan oo kale dadka loo furo si ay uga raystaan socdaalo dibeda ah oo ay u tegi jireen dibeda.
Q-unit Medical Instruments Co Ltd
Dr-Mustafe O Yousuf
CEO & Founder
Contacts : +252633226127/ 0634142009/ 0633819145
Email: Q.unitm@gmail.com
COMMENTS
|