berberatoday.com
Magaceedu Waa Aamina Cismaan !!
November 5, 2016 - Written by Berbera Today

(Xallinta Duruufta Haysata Qoyskaa ILAAHAY Mala Kaashanaa) ?
Cuudkaagu hadduu Adiga Cimidh yahay, tiro iyo cadad ma leh saboolka Caydha Ahi.
Magaaladu waa Hargeysa oo war iskuma hayso. Aniga oo maraya Waddo raf ah 10/7/2016 qiyaastii 6:50 Subaxnimo, una sii jeeda suuqa hoose, waxaan isha ku dhuftay Aamina. Runtii waxa i soo jiitay oo dareen naxariis ku ladhan tahay igu abuuray hawsha ay haysay iyo hoyga ay ku sugnayd. Waxay naftaydu go’aansatay inaan ku leexdo oo aan wareysto.
Wakhtigaa ciilaye arrin iyo aqoon badan ayay xambaarsantahay, kadib markii aan ku leexday mar way naxday marna way faraxday. Weligeed Qof Gaadhi wata ama aan duruufi ka muuqan uma istaagin.
Waraysi daqiiqado yar qaatay kadib, Aamina waa curadda Qoys ka kooban 3 Qof (2 Hablood iyo Wiil). Waxay deggen tahy xaafad ku taala magaalada Hargeysa oo la yidhaahdo boqol iyo kontonka (150). Waxay jirtaa 11 sano, Alle ha u naxariisto Hooyadeed waxay dhimatay iyadoo 7 Jir ah.
Aamina waxay tidhi, “Aabo wuxuu iibiya cadey Soomaaliga ilkaha lagu cadeydo, marmar miyiga fog ayuu u doonaa Cadeyga, markaas ayuu 3 ama 4 maalmood ku maqnaadaa.
Wallaalkayga iga yar (8jir) waa Baalashle, Suuqa wuxuu tagaa 7 Subaxnimo wuxuu ku soo hoydaa guriga qiyaasti 9-ka Fiidnimo.
Waxay sheegtay in ilmaha ugu yar oo garab fadhiyey uu ka hadhay Hooyadeed oo Fooshiisii ku dhimatay. Waxay tidhi, ‘Aniga ayaa guriga ka hooyo ah, 6 Subaxnimo ayaan ilmahan yar u kacaa, 8 fiidnimo ka hor ma seexan karo oo ilmahan yar ayaan aad uga fikiraa oo korsadaa, waayo? Cid kale oo noo maqan oo aan ilaahay ahayn ma jirto.!!
Waan jeclaan lahaa inaan wax fiican ka Ganacsado, laakiin ma awoodno, waan jeclaan lahaa inaan iskuul iyo Waxbarasho gelo, laakiin ma awoodno. Cunto macaan iyo labiska waan jecelahay, laakiin ma awoodno.
Waxaan waydiiyey Maxaa kuugu yaab badnaa ?. waxay tidhi jidhku wuu i wada damqanayaa, Daal badan iyo xanuuno ayaa jira, laakiin Dhakhtarradu waa qaali oo ma awoodo inaan Caafimaad raadiyo.
Waxay intaa ii raacisay, markaan Waayo waxaan u kariyo ilmahan yar, markaan waayo Cid na Caawisa ama aan Baahiyaha kale ula tago waan iska ooyaa, marmar saddexda aan wada dhalannay intaanu Guriga iska gelno ayaa anagoo ooyeyna seexanaa. Oohin waan ka daalay, sidaa markay leedahay way ooyeysaa !!.
Walaal, Naftaada carbi Adduunku waa imtixaan’e. bukaan jiifka booqo, meydka raac oo soo arag halka u danbaysa. Midka kaa liita hoos u eeg oo ha dhaafin ilayn waa kula mid waxba ma dhaantid ilaahay agtiisa’e.
Ha soo sawirin oo agtooda ha soo istaagin kaliya inta qoyan ama jeebku u buuxo, midka qayilaya, ka qadeeya iyo qaar kale oo ku mashquulsan Adduunka iyo dhaca xoolaha Ummadda, Maatida iyo Agoonta. Laakiin Kaalmee kuwa baahan ee Aamina Cismaan ka mid tahay.
Farriintan Naxdint Leh Waxa inna Soo Gaadhsiiyey Walaalkeen Mukhtar Adam

Dhulka Marka Aan Isaga Naxariisano Ayuu Rabi Samada Inooga Naxariisanayaa Fadlan Dadka Dar Ilaahay U Caawi Iyadoo Aanay Istus Kaa Ahayn

 

Muktar Adam

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews