Masuuliyiinta Wasaaraddaha Xukumada Siilaanyo Oo Qaarkood Qoranaya Shaqaale Sharcidaro Ah Iyo Hay’adii Ku Shaqada Lahayd Oo Fadhiid Noqotay
November 5, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Masuuliyiinta Wasaardo ka mid ah Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa si xoogan ugu foogan qorista shaqaale sharci daro ah oo aan haba-yaraatee loo marin nidaamka Dowladnimo iyo ka sharciga ahba.

Muddoonkii u dambeeyay ayaa waxa isa soo tarayay tirada dadka sida sharci darada ah loogu meel marinayay inaya ka mid noqdaan shaqaale waynaha Xukuumadda dhexe, kuwaasi oo lagu shaqaalaysiinayay hab beeleed iyo hab is-garabsi ahba, iyadoo laga dareemayo xafiisyada Xukuumada Dhexe qaarkood sida Wasaaraddaha Waxbarashada, Cadaaladda, Macdanta, Caafimaadka, hawlaha Guud iyo Horu-marinta Reer Miyiga iyo Deegaanka.