berberatoday.com
Masuuliyiinta Wasaaraddaha Xukumada Siilaanyo Oo Qaarkood Qoranaya Shaqaale Sharcidaro Ah Iyo Hay’adii Ku Shaqada Lahayd Oo Fadhiid Noqotay
November 5, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Masuuliyiinta Wasaardo ka mid ah Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa si xoogan ugu foogan qorista shaqaale sharci daro ah oo aan haba-yaraatee loo marin nidaamka Dowladnimo iyo ka sharciga ahba.

Muddoonkii u dambeeyay ayaa waxa isa soo tarayay tirada dadka sida sharci darada ah loogu meel marinayay inaya ka mid noqdaan shaqaale waynaha Xukuumadda dhexe, kuwaasi oo lagu shaqaalaysiinayay hab beeleed iyo hab is-garabsi ahba, iyadoo laga dareemayo xafiisyada Xukuumada Dhexe qaarkood sida Wasaaraddaha Waxbarashada, Cadaaladda, Macdanta, Caafimaadka, hawlaha Guud iyo Horu-marinta Reer Miyiga iyo Deegaanka.

 

 

Wararkan oo aanu ka helnay ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Masuuliyiinta ugu saraysa Wasaarad kastaaba sida Wasiirka, Wasiiru-dowlayaasha, Wasiir ku-xigeenada iyo Agaasimayaashuba ay dhexdooda ugu jiraan loolan adag oo midiba mid ka kale kaga sad bursanayo ka kale.

Hay’adda Shaqaalaha oo xilkeedu yahay inay Shaqada iyo shaqaalaysiinta Dowladda ayaa ah meel fadhiid ah oo shaqadii Qaranka ay u xil saarnayd gabtay ama ka gaabisayba, iyadoo dhowaan Imtixaano ay dhawaan ka qaaday qaar ka mid ah dhalinyarada dalka ay cabasho ka taagan tahay illaa hadda, haankii hay’ada shaqaaluhu u maamushay.

Arrimahana ayaa ku soo beegmaya xilli dalku isku diyaarinayo doorashooyinka Madaxtooyada oo u qorshaysan horaanta sanaka 2017, taasoo ka dhigaysa in ay xukuumada u hadhsan tahay wax ka yar 120 maalmood.

 

 

Source:- Waaheen

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews