berberatoday.com
Daawo Muuqalka”Madaxweyne Axmed Siilanyo Oo Gurigiisa Ku Siyaartay Kuxigeenkiisii Cabdiraxmaan Seylici Oo Marmarka Gurigiisa Ku Jabay
November 6, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo ay wehelinayaan Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada, Maxamed Muuse Abees, Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha, Md. Axmed Cali Axmed, ayaa gurigiisa ku bookhday Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo dhaawac ka soo gaadhay misigta bidix ama lugta bidix ka dib markii uu ku siibtay marmarka gurigiisa.

 Madaxweyne ku xigeenka oo madaxweynaha warbixin ka siiyey sida ay wax u soo gaadheen markii uu dhacay, ayaa sheegay in markii nabarku soo gaadhay aanu wax dhiba dareemayn balse hadda aanu kici Karin iyadoo la taageero mooye, dhakhtaro doorina ay u yimaadeen kuna hawlan yihiin inay ogaadaan sida ay laftu wax u qabto.

Madaxweyne ku xigeenka oo xaaladiisa caafimaad aad u wacan tahay marka laga yimaado dhaawaca ka soo gaadhay midigta ayuu madaxweynuhu ugu duceeyey in Alle u fudaydiyo nabarkaa soo gaadhay, ugana dhigo mid sahlan oon dhib lahayn.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews