Daawo Muuqalka”Madaxweyne Siilanyo Oo Cusbitaal Ku Yaala Magaalada Hargeysa Ku Booqdey Wiil Yar Oo Lagu Sameynaayo Qalniin Ku Cusub Somaliland+Daawo Sawirada
November 6, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta
cubitalka Dr Maxamed Aadan Sheekh ku bookhday wiil shan sano jira oo qaliin lagaga samayn doono wadnaha, kaasoo uu ku soo dhashay wadnaha oo daloola.
Bookhashada Madaxweynuhu ku tegay cusbitaalka Dr Maxamed Aadan sheekh ayaa ah mid ku timid xaalada wiilkaasi ku sugan yahay oo noqonaysa markii ugu horaysay ee Somaliland ama Geeska Afrikaba lagu sameeyo qaliin noociisa ah, balse loo qaadi jiray dalka Talyaaniga oo muddooyinkii u dambeeyey uu cusbitalka Dr Maxamed xidhiidh dhinaca qaliinnaha ah ka samaynayey, iyadoo sideed caruur ah oo noocan oo kale ah ama uu wadnuhuba daloolo lagu soo qalay dalka dibediisa, nasiib wanaagse maanta qaliinadii dibeda laga maarmay oo dalka gudihiisa lagu samaynayo, ka dib dedaal laga sameeyey in dalka la keeno qalab ka qaliinada ee dibeda aynu uga baahan jirnay.