berberatoday.com
Danjiraha Turkiga Oo Sheegay In 2-milyan Oo Dollar Ay Bil Walba Siiyaan Dowladda Somaliya
November 6, 2016 - Written by Berbera Today

Muqdisho(Berberatoday.com)-Safiirka Turkiga u fadhiya Somalia Olgan Baker ayaa sheegay in Xukuumadda Ankara ay Bil kastat Dowladda Somalia siiso 2-milyan oo doollar oo kaash ah, si ay mushaarka ciidanka iyo arrimaha kale ee xukuumadda ugu isticmaasho.??????????

Danjire Baker oo wareysi siinayay VOA-da, ayaa sheegay in Taageerada Lacageed ay soo billaabatay bishii Juun ee Sannadkan, markaasoo la furay safaaradda Turkiga ee Muqdihso oo ah midda ugu weyn ee Turkigu uu Caalamka ku leeyahay.

Sidoo kale, Safiirka Turkiga oo la weydiiyay waxa ka jira Saldhig millateri oo la sheegayo inay dhawaan ka furayaan Muqdisho ayuu sheegay inuusan jirin saldhig millateri oo ay furanayaan, Laakiin ay dhisayaan xero lagu Tababaro ciidamada.

“Xitaa saxaafadda Turkiga arrintan way ka hadashay, ma jiro saldhig aan ka Furanayno Muqdihso ama xitaa Somalia, balse waxaa socda dhismaha Xero lagu tababaro ciidamada,” ayuu yiri Danjire Baker.

Dhanka kale, Taliyaha ayaa xusay in xeradan lagu tababri doono dhammaan ciidamada dowladda Somalia, kuwaasoo uu xusay inay tababar siin doonaan saraakiil Turkigu ah, ayna hawshani qayb ka tahay Kaalmooyinka Turkiga ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Danjiraha Turkiga ee Somalia ayaa sheegay in safaaraddu ay u adeegto dhammaan shacabka Soomaaliyeed, ayna u fududeeyaan wixii ay uga baahdaan oo dhan, sida Dal-ku-galka Turkiga iyo Kaalmada Deg-degga ah ee dhanka caafimaadka.

 

 

 

Source VOA

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews