berberatoday.com
Ha Balweeyo ee daa : Waxa Qoray Cumar Seerbiya
November 6, 2016 - Written by Berbera Today

Ha Balweeyo ee daa : Waxa Qoray Cumar Seerbiya

cumar-serbiya
Haddaan kuu daacad waramo wali ma arkin muuqaal noocan ah adigana uma malaynayo inaad aragtay waa haddii aad jeceshay inaan is aamino, mana filaayo inay wali hal meel ku wada kulmeen intan oo arrimood oo uu ugu horeeyo koobka shaaha caleentu ku yartahay ee Bigayska ah /aan caanaha lahayn ee dul saaran miiska yar ee cadceeda galabnimo eek u dhacaysa aad moodayso in isaguba yahay godkii ay qoraxdu u hooyaynaysay .
Aniga ayuu ahaa qofkii ugu horeeyey ee arkay balse inta aanan indhahayga u mahadcelin waxa ka horeeya oo amaan mudan labadayda dhegood oo ahaa kuwii aan wax ku maqlay aragga ka hor .
Waxaan Markiiba aqoonsaday inuu yahay codkani mid ka soo baxaaya dhuun Noole leeyahay sababta oo ah manoole-yaasha uga maan baranin inay dhawaaqaan haddii ayna maanta bilaabaynin , balse may noqonin ee waxaaba ii sii cadaatay inuu yahay qof wax yar uun ka codweyn shimbiraha kuwooda codka fiican leh ee arooryada hore heesaha xusuusta koriya dadka sida lacag la’aanta ah ugu maaweeliya u raaxaynta naftooda ka sakaw.
Fadhi iima yaalo oo markiiba labadayda kabood oo mid lugtayda ka baxsanayd ayaan gashaday waxayna markiiba amar aanan garanaynin cid I siisay balse aan naftayda oo inta badan dirir naga dhaxayso aan u aanaynayo ayaa lagu yidhi kac oo adeeg , maxaan qabtaa ayaan weydiiyey nafta ?. miyaanad maqlaynin sawaxanka iyo shuuxa dhagaha ku soo dhacaaya ayey iigu jawaabtay waxayna sii raacisay haddaad maanta gacan I siinwaydo goormeen ku gar-gaarsan ?.
Markaasi ayaan dhaaday wax badan waxaan dareemay inaanu sii jirin adkaysani ka badadan intan in aan istiilo mooyaane , hareeraha ayaan hadba dhinac eegay sidii I ruux salalaw , haddii aanan qorraxda arkaynin waxaaban dhihi lahaa waa habeen .
Aniga oo kaashanaya maqalkii ay dhaguhu xifdiyeen isla markaana ka feejigan in aan aamusiiyo codka marka uu dareemo shanqartayda ayaan aadyar gaatamay, waxbaan ku soconayaa faraha hore cagaha sidii qof raba inuu qaato Jowharad Mas ilaashanayo.
Markan jihadu igama xuma oo waxaan helay dhinaca uu codkani ka baxaayo waxaan ogaaday dhinaca qorrax dhaca maahane inuu yahay dhankayga kale , sidaan u socday waxaan ku dhawaaday goobtii codku ka imanayey, walise kasooni kama qabo inaan si caadi ah u socdo ee waxuun baa ileh taxadir samee .
Waxaan ugu horayn arkay koob Shaaha oo qayb laga cabay , shaaha dhinaca shishe waxa ka xiga laba lugood oo midi ta kale dulsaarantahay ma garan karo sababta ay uga fadilantahay ee ay u fuushayta kale iyo waliba gacan faraha qaybi laaban yihiin oo laba ka mid ahi ay dibnaha dulsaaranyihiin , waan ku sii dhawaaday waxaan arkay madax ay ku yaallaan timo kuwii aan markaasi anigu madax sare ku lahaa wax yar uun ka badan , oo si wacan u feedhan /shalaysan , markaan xisaab ayaa iskugu kay beegan oo codkii aan markii horeba qiyaastay inuu yahay aadmi iyo muuqaalada qofka ee aan arkaayo .
Dan igamuu gelin ee codkii wuu sii wataa waxaaban moodayaa inuu aniga dartay uu u sii wanaajinayo oo uu isleeyahay raaxada kaliga ah isku koobin, Allaw deeqnimo, xataa ismuu dhaqaajin.
Ilaa ana ugu dambayn dul imi , aniga oo dultaagan ayuu inta uu wax yar hakiyey I saalamay markan waaban sii farxay oo Soomaali ayuuba igula hadlay ,
Waxaan si deg-degsiimo leh ugu sheegay sababta ii keentay ee aan u dulmi waliba ogolaanshiiyo la’aana aan ugu dhagaystay , waxaan hadal ugu khatimay in codkasta oo ruuxda la hadlaaya aan wax ku leeyahay aniguna .
Laba mid ayuu I kala doorsansiiyey inuu sii wado codkan iyo inuu iiga waramo sababta codkani godkiisa uga soo baxay, markan labaduba waa kala darran balse damacayga waxaan ka codsaday inuu isku daro..
Codkii ayuu dhamaystirmay waxaanu ku soo koobay erayadan “ talo cayn wareegtana layskuma canaantee”.
Marka uu halkaasi marinaayo ayaan garabkayga taabtay waxaan raadinayaa inaan sitay Cimaamad ama go’ aan dulsaaro waliba aniga oo labadayda gamcood adeegsanaya inaan madaxa ka saaro , balse nasiibkayga shaatiga aan xidhnaa waxba iigamay saraynin oo markii horeba maan soo qaadan oo eedna kuma lihi mabaan ogayn .
Cabbaar markii aanu si wada jir ah codkii u dhuuxaynay waxaanu galnay nasasho yar oo ah inaanu ka sheekayno erayadan qasabka igu soo jiitay , waxaanu isla garanay inay ahayd cod uu sannado ka hor ku heesay Maxamed Saleebaan Tubeec oo Soomaalida oo aanu labadayadu ugu horayno isku waafaqsanyihiin in loo xidho Taajka bilicda codka .
Waxyar haddii aanu sii dhexgalnay sheekadii iyaduna waxa noo soo baxday in heestani ku jirtay riwaayad la odhan jiray [sdhaafe dhallaanka iyo waalidkii dhalay] oo ay si wad ajir ah u alifeen Cabdilaahi Cabdi Shube iyo Axmed Saleebaan Bidde.
Markii ay sheekadu halkaasi marayso naftii markii hore isoo kicisay ayaa hadana canaan igu bilawday oo waxay diidantahay inaan codkii wacnaa ee socday sabab u noqday inuu is taago waxaaban maqlayaa iyada oo ku celc-elinaysa ; Ha Balweeyo ee daa, Ha balweeyo ee daa , Ha balweeyo ee daa.
Sheekadan waxaan ka qoray nin galab fadhiyey maqaaxi shaah oo ku taalla magaalada Khartoum ee dalka Suudaan oo aan markii hore suudaani moodayey balse markii dambe soomaali noqday.

 

 

W/Q Cumar Serbiya

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews