berberatoday.com
Mid Ka Mid Ah Ugaasyadii Horkacaayay Beeshii Cimraan Ee Xisbiga Waddani Ku Biiray Gobolka Togdheer Oo Xabsiga Loo Taxaabay iyo Sababta
November 6, 2016 - Written by Berbera Today

Burco(Berberatoday.com)-Maamulka Gobolka Togdheer ayaa Xabsiga Magaaladda Burco u taxaabtay Saaka Ugaas: Cabdiraxmaan Diiriye Ibraahim oo ka mid ah odayaashii horkacaayay Beesha Cimraan (Maxamed-Sh-Isaaq) ee habeen Sedexaad ku biirtay Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani gobolka Togdheer ka dib markii ay ka baxeen Xisbiga Kulmiye.

Xadhiga Ugaaska oo laga soo amray dhinaca Magaalada Hargeysa ayaa sida uu noo cadeeyay waxa ka danbeeyay Baashe Moorgan iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ,kuwaasi oo Ugaaska ku haysta maxaad beeshaada Xisbiga Kulmiye uga saarteen ,isla markaana Xisbiga Waddani ugu shubteen ,taasi oo ah nadaamkii lagu yaqiinay Degteetarshiibka ama kaligii taliska.
Ugaas Cabdiraxmaan Oo aanu la xidhiidhnay isagoo Xabsiga Burco ku xidhan ayaa faahfaahin ka bixiyay xadhigiisa ,waxaanu yidhi.

“ Waxaan ku xidhanahay Xabsiga Dhexe ee Burco ,waxaana laygu xidhay Maxaad Beeshaada Cimraan Xisbiga Xisbiga Waddani u gaysay ,isla markaana Xisbiga Kulmiye uga saarteen ,arintaasina waa sharcidaro ,waayo anigu Beeshayda Kulmiye kamaan saarin ee iyagaa ka tashaday oo ka baxay oo Waddani tagay ,aniguna halka ay beeshu marto ayaan ku qasbanahay,reerkuna Go’aankiisa uu Xisbigaasi Waddani ku tagay ka noqon-maayo “ Sidaasi ayuu Ugaasu yidhi ,waxaanu intaasi ku daray isagoo sababaynaaya cida ka danbeysa xadhigiisa .

“ Xadhigayga waxa soo amray Safiirka Somaliland ee Imaaraadka Carabta Baashe Mooran iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ,arintaasina waxay cadaynaysaa in Kulmiye Durbaba bilaabay Askarinimadii iyo Kaligii talisnimadii ,waxaanan leeyahay dadku Askari shicibka qasba aaminimaayaan ,shicibkuna halka ay ku biirayaan ee ay mustaqbalkooda ku aaminayaan waa u xor ,aniguna sharcidaro ayaan ku xiranahay “ Sidaasi ayuu Ugaas Cabdiraxmaan hadalkiisa kaga baxay..

Ugaaskan Xukuumadu Xabsiga Burco u taxaabtay ayaa ka mid ah Haldoorka Beesha Maxamed Sh: Isaxaaq ee gobolka Togdheer ,waxaanu ka mid ahaa Odayaashii horkacaayay Beeshan markii ay Xisbiga Waddani u digarogteen.
Maaha markii u horeysay ee Xukuumadda Kulmiye Xabsiga u taxaabaan Madaxdhaqameed Beeshiisu ku biirto Xisbi Mucaarid ah Somaliland ,laakiin taasi xiliyado badan ayay dhacday ,waxaaney ka mid tahay tacadiyadda Shicibka loo gaysto ee Kulmiye lagu xasuusto.

Hoos ka daawo xafladii beel weynta Cimraan ee saska ku riday xisbiga Kulmiye

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews