Saadaasha Doorashada Madaxtinimada Maraykanka Oo Laba Maalmood Hadhsan Yihiin
November 6, 2016 - Written by Berbera Today
Washington(Berberatoday.com)-Musharaxiinta u tartameysa xilka madaxtinimada dalka Mareykanka ee kala ah Hillary Clinton iyo Donald Trump ayaa Sabtidii dhowr gobol ka ololeeyey, xilli laba maalmood oo qura ay ka hareen maalinta doorashada oo ku beegan Salaasada soo aadan.

Musharaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa taageerayaashiisa kula hadlay gobollada North Carolina, Florida, Colorado, iyo Nevada, halka sidoo kalana la filayo in Ololihiisa Sabtiga kusoo xiro gobolka Minnesota oo taariikhiyan ay mar walba ku guuleystaan Dimoqraadiga.