berberatoday.com
Dagaal Markale Dib Uga Qarxay Magalada Gaalkacayo Tiyo Asbucan Un Ahyd Heshiiskii Xabad Joojinta Ee Maamulada Puntland Iyo Galmudug
November 7, 2016 - Written by Berbera Today

Galkacayo(Berberatoday.com)-Dagaalada kasoo cusboonaaday Gaalkacyo oo shalay oo ugu dambeysay dhacay ayaa uga sii daray xaalada barakaceyaashii magaaladaa kunoolaa.

kac

Hayadaha samafalka ayaa aad uga walaacsan arinmahooda ayadoo qeybo badan oo gobolada dhexe ah ay abaar ba’ani ka jirto. Hawlihihii ganacsiga ayaa sidoo kale waxaa saameeyay dirirta soo laba kacleysay.

Waxaan iskoolada xaadirin in ka badan 20 kun oo arday maadaama iskooladii iyo macaahiidii waxbarasho ee magaaladaasi ay xiran yihiin.

Ururada samafalka ayaa colaada darteed ayaguna xadiday dhaqdhaqaaqii shaqaalahooda arimaha gargaarka.

Ganacsatadii xoolaha u safrin jirtay Boosaaso ee sii mari jiray Gaalkacyo ayaa iyana hakad galiyay safaradoodii.

Dagaalka shalay dhacay ayaa yimid ayadoo hoggaamiyeyaasha Galmudug iyo Puntland ay asbuucaan sheegeen in xabad joojin dawlada Imaaraatka Carabtu dhexdhexaadiye ka ahayd la gaaray.

Jadwalka ayaa waliba ahaa in wadahadalo dheeraad ah labada darafi ay galaan 20ka bishaan Nofeembar.

Ilaa 40 kun oo barakaceyaal markii horeba meelo kale ka soo barakacay ah ayaa hadana mar labaad ka barakacay Gaalkacyo.

Badidood waxay u qaxeen tuulooyinka u dhowdhow Gaalkacyo iyo xeryo barakaceyaal oo ku yaala daafaha magaaladaasi Gaalkacyo.

Xaalada Gaalkacyo ayaa ah mid kacsan ayadoo ciidamaduna ay is hor fadhiyaan.

Sida laga soo xigtay UN OCHA 7dii Oktoobar ee sanadkaan ayaa waxaa barakacay in ka badan 80 kun oo qof kadib markii gudaha Gaalkacyo ay ku dagaalameen ciidamada Puntland iyo Galmudug.

Gaalkacyo ayaa u kala qeybsan labo ayadoo dawlada Galmudug ay ka taliso koofurta magaaladaa halka Puntland ay maamusho dhanka waqooyi.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews