berberatoday.com
Garabka Musharax Jamaal Cali Xuseen Oo Iyaguna Shirweyne Kale Oo Beri Dhacaya Ku Dhawaaqay Iyo Khilaafkii Xisbiga Ucid Oo Meel Sare Gaadhay+Xukumada Oo Isku Daawanaysa
November 7, 2016 - Written by Berbera Today

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen oo Ergada shirweynaha aan Caadiga ahayn Ogeysiiyey inuu Shirkii Dhici doono Maalinta Berri (Sallaasa) kasoo Qaybgal wanaagsanHargeysa(Berberatoday.com)-Musharaxa madaxweynaha xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa goor dhawayd ku dhawaaqay in garabka uu hogaamiyo ee xisbiga Ucid ay maalinta bari ah qabanayaan shirweynihii aan caadiga ahayn ee maxkamadu go,aamisay.

Musharax Jamaal uu qoraal uu arintaas kaga hadlayo ku baahiyey bogiisa facebook ayaa waxa uu sheegay inayshirkaas ka soo qayb gali doonaan xubnihii ka qayb galay shirweynihii ugu danbeeyey ee shirkii golaha dhexe ee xisbiga Ucid kaas oo dhacay sanadkii 2012-kii.

 

Qoraalka uu musharax Jamaal kaga hadlay shirka ay qabsanayaan ayaa waxa uu u dhignaa sidan “Ogeysiin taageerayaasha: waxaanu si xushmad leh ugu baaqaynaa in shirweyne aan caadi ahayn aanu berito ku

qaban doonaa hotelka weyn ee Maanzoor hotel halkaasoo ergooyinkii shirkii ugu danbeeyey ee 2012 kii ay joogaan kuna salaysan xukunkii maxkamadda sare. Waxa kale oo joogi doona ergooyin kale oo faro badan oo matalaya goboladda dalka iyo marti sharaf kale. Mar haddii sharcigii dalku qaban waayey garabkii Faysal Cali Waraabe ee uu u hogaansami waayey xukunkii maxkamadda ee ay ahayd in shirweynaha aan caadiga ahayn la wada qaban qaabiyo gudiddii 10 ka xubnood ee matalaysay labadda garab- Waxaan dhamaan u sheegaynaa Bulshadda in shirweynihii aan caadiga ahayn uu berito ka qabsoomi doono hotel Maansoor iyadoo heshiiskii labadda garab ee 90% dhameystirmay ee xisbigga lagu soo saaray lagu ansixin doono; isla markaana qiimeyn lagu sameyn doono hogaanka sare ee xisbigga ee mugdigga geliyey xisbiggan qaran. Somaliland sharcigga ayuun baa ina deeqa. Nina nin kama weyna indho adkaan ummadda waxba laguma jiidhsiin karo.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews