berberatoday.com
Maxkammadda Sare Oo Amarkeedu Fuli Waayo Iyo Burburka Ucid Waa Caddaaladdii Iyo Dimuqraadiyaddii Oo Mar La Wada Xabaalay. Bye Rasheed Ali Meigag Samater
November 7, 2016 - Written by Berbera Today

Waxa aan marnaba ummaddeena ka qarsoonayn gudo iyo dibedba in garddarro garab og lagula kacay murrashaxa Jiilka Dhallinyarada Waxbaratay ee Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamal Cali Xuseen, iyadoo gardarradaasi loo adeegsaday nidaamkii dawladnimo, hase yeeshee midda u baahan in shaaca laga caddeeyaa waa xukunkii iyo go’aankii Maxkamadda Sare oo inkastoo oo aan xaqa toosh cad lala dul joogsan – haddana garabka Murrashax JamaalShacaboow uma baahna in aan idin xusuusiyo in ummadda qalad isku raacda ee dulmi mid ka mid ah ama kooxiba samayso aan ka hortegin, fududaysata ama ka aamusta, oo markaa fidnaduna sii korodho – ay iyaguna dulmiga la qabaan cadho Ilaahna dul hoganayso.

Waxa aan marnaba ummaddeena ka qarsoonayn gudo iyo dibedba in garddarro garab og lagula kacay murrashaxa Jiilka Dhallinyarada Waxbaratay ee Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamal Cali Xuseen, iyadoo gardarradaasi loo adeegsaday nidaamkii dawladnimo, hase yeeshee midda u baahan in shaaca laga caddeeyaa waa xukunkii iyo go’aankii Maxkamadda Sare oo inkastoo oo aan xaqa toosh cad lala dul joogsan – haddana garabka Murrashax Jamaal fulintiisa ay si cad u aqbaleen iyagoo siinaya mudnaanta iyo sharafka ay leedahay Hay’dda Caddaaladeed ee ugu sarraysa Qarankan Somaliland. Go’aankaasi oo sida uu yahay loo fulin waayaana, waa hubaal in sharci iyo garsoor amase Caddaaad dambe oo lagu kala baydho ama la ixtiraamaa innaga dhimatay xabaalna lagu hubsaday.

Faysal Cali Waraabe oo shirka isagu iska goostay 7da.11.2016 oo qabsoomaana waa go’aankaas Maxkamadda Sare oo la iska dhega-tiray, taageerana ka helay haydaha dawladda oo diiday inay is-hor taagaan qabsoomidda shirkaasi.Waa ogtihiin in Murrashax Jamaal Cali Xuseen u hogaansamay Go’aanka Maxkammadda Sare joojiyayna shirkii la iclaamiyay 6da.11.2016.

Waxa iyana is-weyddiin mudan, haddii ay dhabowdoba mawqifka ay leeyihiin huwanta ku bahoobay inay burburiyaan Xisbiga UCID, waxa imanaysa oo iyana aan marnaba suuro-gal ahayn, oo sharciyaddii qornayd ee hayaanka Dimoqraadiyadda ka baxsan in Labada Xisbi ee Kulmiye iyo Waddani oo keli ihi ay tartan siyaasadeed galaan – doorasho madaxweyne iyo mid baarlamaan toona, halkaana Caddaaladdii aynu kor ku soo xusnay – aynu ku garab xabaalno nidaamkii doorashooyinka iyo xisbiyada badan ee Qarankani muddada dheer ku soo kifaaxayay, tacabka badanina innaga galay. Waa marag ma doon, in haddii aynu mar kale Xisbi Qaran oo UCID ah, dhigno bartii aynu dhignay Xisbigii Qaran ee UDUB – oo markalena innagoo hareero tuban Dulmi iyo nin-jeclaysi ku burburinno nidaamkii ummaddeenna iyo Xisbiyada badan, in shacabkuna si cad uga qanci doonaan waxa loogu yeedho doorashoooyin, iyo Xisbiyo lagu tartamo oo dib inoo soo mara.

Waa Karis Xun iyana Wax Ku La’.

RASHEED A MEIGAG SAMATER

(HOGGAAMIYAHA XISBIGA UCID – U.K.)

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews