Musharax Cabdiraxmaan Ciro Oo Dalka Ku Soo Laabtey Kana War Bixiyey Kulan Uu La Yeeshay Hogaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galeydh +Muuqaal/ Sawiro.
November 7, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland isla markaana ah musharaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro ayaa galabta dalka ugu soo laabtey .
Musharaxa ayaa waxaa safarka ku wehelinaayey Ex Wasiir Cabdirisaaq Khaliif Axmed waxaana madaarka ku soo dhaweeyey saraakiil sar sare oo ka tirsan xisbiga Waddani
