berberatoday.com
Ninkii i guursaday, wax walba oo noloshiisa ah, waa uu iga qariyey !WQ/Khadar Aar .
November 7, 2016 - Written by Berbera Today

Waxa aan ahay gabadh dhalinyaro ah ,isla markaas uu qaan gaadhay,in kastoo sida aan jeclaa aanan lasoo korin aabahay iyo hoyaday ,hadana waxa aan kusoo koray nolol aan aan dhibaato lahayn,waxaana isoo korisay eedaday macaan ,madama aniga reerkayagu uu ahaa reer miyo.

Waxbarashada waxa aan ka gaadhay heer ilaa dugsi sare ,waxa aan ka mid ahaa ardayda ,rag iyo dumar kuwa ugu fahmada iyo dadaalka fiican dhinaca waxbarashada , akhlaaqdana waxa aan ahaa aniga oo aan isfaaninayn gabadha ugu horaysay ee ardaydu ay majeerato (kudayato)

Madamaa aan wali ku jiro heerkaygii waxbarasho isla markana aan jeclahay kuna haminaayo in aan ilaa heer jamacadeed ka gaadho,miyirkayga iyo maskaxdayda toona kuma jirto hami iyo hilaw guur habeena kumaan seexan.

Aroor arooryaha ka mid ah, ayaa aniga ii Iskuulkaygii kusii socda ,ayaa waxa si lama filaana jug ii gaadhsiiyay gaadhi si qaldan wadada usoo galay,isla markiiba waxa aan ku dhacay dhulka hoose ee laamayda ,waan naxay lakiin dhaawac badan ma qabo.

Sida u caadada ah dadka Somalida iyo sharcidarada wadankeena ka jirta,waxa si degdeg ah markiiba ii qaaday oo ila cararay ninkii gadhiga jugta i gaadhsiiyay wadaha ka ahaa,waxa kaliya oo aan ku miyir saday aniga oo aala goob caafimaad oo dhakhtar ah.

Waxa aan markiiba ku qayliyay ha la ii doono eedaday,balse laygama diidin ee Eedaday waxa loo diray talafoon,kadibna iyada oo barooranaysa ayay albaabka iiga soo gashay, waxa ay kulmeen ninkii wadaha ka ahaa gaadhiga dhibta ii gaystay.

Hadal iyo dhamaan muddo yar oo aan dhakhtarkii ku jiray ka bacdi waa aan ka baxay,Ilahay mahadii wax dhibaato ah oo wayn oo isoo gadhayna ma jiro,marka laga tago waxoogaa buusbuus ah oo suxulaydayda ka muuqda.

Ninkii gadhiga dhibta ii gaystay waday,ma uusan ahayn nin xun ,sidaas waxa aan u leeyahay intii aan ku jiray dhakhtarka iyo ka gadaalba, waxa uu ahaa nin si fiican iiga warhaya inaa dhaqaleeya oo wixii aan u baahdo iyo wax anan u baahanba isiiya.

Dhibtii iyo dhaawicii yaraa ee gadhiga si dhakhso ah ayaan uga bogsaday,waxa aan halkii kasii watay waxbarashadaydii waxooga intii aan dhawaca ahaa iga kala go’day, balse hadana ninkii dhawaca lama filaanka ah ii gaystay ma uusan noqon nin markaan bogsaday aanu kala dhamaanay ina ilaabay ,balse waxa uu noqday nin xidhiidhkiisu aniga iyo eedaydayba uu nagu badan yahay.

Halkii wiigba waxa uu noo yimadaa ugu yaraan laba jeer ,isla sidoo kale Telaafonkiisu waa mid aan aniga iyo eedaydayba aan naga kala go’in, waana xasuus gaar ii ah oo waxa uu ahaa ninkii u horeeyay ee talafonka gacanta ee Mobaylka ii iibiyay amma ii gadha qofba sida uu u yaqaano.

Ma ihi hablaha yaryar ee raga lacagta ka qaata,waayo waxa aan ogahay in ninkasta oo aad wax ka qadataa uu doonaayo isna in uu wax kaa qaato,waxanan aamin sanahay oo iga dhaadhacsan ,ragu waxyabaha yaryar ee ay dumarka siyaan in aanay ahayn Ilahay dartii,balse ay tahay dabin iyo dibin daabyo qarsoon.

Nasiib darro amma nasiib wanaag midka ay doonto ku macneeyoo ,waxa uu ninkii isaga ahaa uu eedayday ka codsaday in uu i guursado, madama aniga iyo eedaydayba uu wakhtigii yaraa ee aan dhibatada aan ku jiray uu noola dhaqmay si sharaf iyo karaamo ay ku jirto,eedayday waxa ay noqotay mid ka ogolaata codsigaasi guurdoonka,walaw ay ku xujasay in aan anigu go’aanka leeyahay .

Sida aan horay idiinku soo sheegay ,waxa aan ahaa gabadh jecel in wakhtigeeda dhalinyara nimada ay ku qadato,waxbarasho ilaa heer jamacadeed,ilaa hadana wax iska kay badalay ma jiro.

Waxaa habeen habeenada ka mid ay Eedaday igula kaftan tay,”hadii maanta uu jiri lahaa nin kusoo dadab fadhiiska ,guurna kaa doona eedoy maxaad yeeli lahayd”

Eedaday markii ay kalmadaasi kaftanka ah igu soo tuurtay ,wacad Ilahay waxa markiiba maskaxdayda kusoo dhacday ” armaa ninkii dhaawaca xun iyo dhaymadii fiicnayd kuu gaystay halkudhigani dhinaciisa uu ka socdaa.

Waan qoslay ,sidii gabadh xishoota lagu yaqanayna labada Indhood ayaan isdaba dhigay,dhabankana waan qabsaday sidii wax yaabay,ilayn waaban yaabee,aniga oo aan wali wax jawaaba aan celin ,ayaa Eedaday madama ay tahay qof iga wayn igana waya aragsan,waxa ay si kaftana ii tidhi “Eedo kac shaah-yar iisoo shub khayr ayay ku danbayne”

Mugdi igama jiro in reerka uu wareer kusoo qaaday, ninkii dhibtii aan ogaa iyo dheeftii wada socday ay ka timi ,waan kacay waxanan Eedo u doonay shaahii, balse intii aan Koobka shaha soo karinaayay ayaa sacado noqotay,waayo waxa aan ka fikiraya ,waxa soo socda ee ka danbeeyay hadalada iyo halku dhigyadan kaftanka ah.

Isla sheekadii ,aniga iyo eedaday halkii muddo ayaamo ah kamanaan qaadin ,midha waxa aan is idhi eedadaa fariinta intii ay haysay amma loo soo tabiyay waa ay kuu sheegtay ,ayaamo ka bacdi ayaa hadana eedaday waxa ay kaftankii iigu dartay hadalo iyo amaano ay u jeedinayso ninkii dhibta iyo dheefta wada socda noo gaystay.

Waa aan jeclaan lahaa in aan ninkaasi amaantiisa ka qayb qaato,waayo waxa aan ogahay in aduunka qaladkastaa uu dhaco,balse hadana qofka kugu qaldama waxa lagu gartaa wanagiisa sida uu marka danbe kuu wanaajiyo .

Waxaa ii diiday amaanta ninkaasi waxa a an ka shakisanay in ay eedaday ii duur xulayso in aan ninkaasi guursan lahaa iyo in kale,taas awadeed ayaa waxa aan shekadaa kaga baxay ,eedo ninkaasi igadaa waa ninkii gaadhiga i jiidh’siiyee.

Maalmihii danbe eedaday waxba igamay qarin waxa ay ii sheegtay in ninkii isaga ahaa,uu damac guur iga galay,waxanay igu boorisay ,in iyadu rayigeeda in ay jeclaan lahayd in aan ninkaasi guursado,walaw aan yarahay waxbarashana aan dhigto.

Arintaasi waxoogaa waa ay igu adkaatay ,balse hadana aniga oo aan wax badan ka fiirsan ayaa taladii eedaday shuruud la’aan ku aqbalay in aan ninkaasi guursado,eedaydayna waxa ay ii sheegtay in ay isugu kaaya ducaynayso.

la soco qaybta labaad:-

Wabilaahi tawfiiq.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com

WQ/Khadar Ibrahim Aar

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews