berberatoday.com
Trump Oo Soomaalida Maraykanka Ku Eedeeyey Kuwo Dhibaato iyo Xag-jirnimo ku kordhiyey Dalkiisa
November 7, 2016 - Written by Berbera Today

Minnesota(Berberatoday.com)-Musharraxa u tartamaya Madaxweynennimada Maraykanka ee ka sharraxan Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump, ayaa isu soo bax uu Taageerayaashiisa ugu qabtay gobolka Minnesota ee Soomaalida ugu badan waddanka Maraykanka deggan yihiin, waxa uu ka sheegay halkaas in gobolkaas Soomaalida Qaxoontiga ah ee soo degaa ay geystaan dhibaatooyin argaggixisannimo ama xag-jirnimo.

DONALD TRUMP ACCUSED SOMALI PEAPLE IN AMERICA 2016

DONALD TRUMP ACCUSED SOMALI PEAPLE IN AMERICA 2016 in Minnesota

Trum waxa uu tusaale u soo qaatay Nin Soomaali ah oo Toorri ku weeraray Dad wax ka iibsanayay Suuq wayn oo laga Dukaamaysto. Ninkaasi ayaa Toorrida ugu yaraan Sagaal Qof ku dhaawacay, ka hor intaanay Boolisku isaga toogasho ku dilin. Musharrax Trump, ayaa sheegay in Dadka Minnesota ay dhibatao ka soo gaadhtay martigelinta Qaxoontiga Soomaalida ah, sida aannu ka soo xigannay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da oo Warkan baahisay Galabta.

“Minnesota waxaad ku aragteen dhibaatooyinka ay keeneen Qaxoontiga siiba Qaxoontiga halkaan ku badan ee Soomaalida ah. Idinkoon war u heyn ayay yimiddeen gobolkiinna iyagoo waliba qaarkood ku biiraya kooxda IS. Waxayna xagjirnimada ku faafinaya dalkeenna iyo dunida oo dhan.” Sidaa ayuu yidhi Donald Trump oo Taageerayaashiisa kula hadlayey Maanta gobolka Minnesota.

Waxaanu intaas ku sii ladhay; “Waad aragteen weerarkii argagixiso, weerarkii Toorrida lagu qaaday ee ka dhacay St cloud Maamulka Trump ma aqbali doono Qaxoonti isagoon ka haysan dadka deegaanka wax taageero ah.”

Donald Trum, waxa uu ku jiraa lugutiisii ama socodkiisii ugu dambeysay ee ololaha, ka hor intaan loo dareerin doorashada Salaada Berri dalkaas ka dhici doonta, kaasoo uu ku soo gunaanaday socdaalkan uu shalay ku tegay Minnesota oo uu xalay taageerayaashiisa kula hadlay. Musharrax Trump waxa uu sheegay in haddii la doorto uu hubin doono in dadka deegaannada Qaxoontiga martigeliya uu latashi la yeesho, ka hor intaanay Qaxoontiga qaabbilin.

Donald Trump waxa uu hore ugu eedeeyay Soomaalida Maraykanka inay ku biiraan Daacish iyo Al-Shabaab, waxaanu sheegay inay tahay in isbeddel lagu sameeyo Waaxda Socdaalka ee dalka Maraykanka.

Musharrax Donald Trump, waxa uu si weyn u cambaareeyey Siyaasadda Madaxweyne Barack Obama iyo Xisbiga Dimuquraaddiga Maraykanka.  Waxxaanu dhaleeceeyey Dadka soogalootiga ah ee Maraykanka taga, gaar ahaan kuwa Islaamka ah. Trump, ayaa mar labaad sheegay in doorashada Madaxtinnimada Mareykanka loogu xaglinayo Hillary Clinton.

Hadalka Musharrax Donald Trump, ayaa ku soo beegmaya ka ddib markii Waaxda Dembi-baadghista Maraykanka ee FBI-du ay sheeghtay inaanay hayn wax caddeyn ah oo muujinaya in Hillary ay geysatay Dembi marka la eego Farriimo Email oo ay ka dirtay Cinwaankeeda gaarka ah, isla markaana aanay jirin wax caddaynaya eedaynta la xidhiidhay inay Farriimo Sir Qaranka Maraykanku leeyahay ay ka dirtay, baadhitaankoodana ay taas ku waayeen.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews