Waddani Oo Xukuumadda Ugu Baaqay Inay Si Dhab Ah Ugu Gurmato Abaarta Gobalada Bari
November 7, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xoghayaha xidhiidhka gobalada iyo degmooyinka xisbiga Waddani Cabdillaahi Axmed Maxamed (Cabdillaahi Daamur) oo sidoo kale ka tirsan guddiga fulinta ee xisbigaas ayaa xukuumadda ugu baaqay inay gurmad deg deg ah ka u fidiso dadka ay abaaruhu ku hayaan gobalada bari ee waddanka.
Mr. Cabdillaahi, oo shalay saxaafadda la hadlay wuxuu xukuumadda ku canaantay qorshe la’aanta abaaraha “Sidaan wada ognahay waxa dalka, gaar ahaan dhinaca bari ka jira abaaro baahsan oo adag oo xanuun badana soona noqnoqotay sannado badan. Sannadkan aynu hadda joogno laba abaarood oo culculus ayaa dhacay oo ka kala dhacay bariga iyo galbeedka labaduba laba abaarood oo ad-adag ayay ahaayeen. Waxase halkas ka muuqday in wax ku tallo gal ah oo ah oo xukuumadu ku tallo gashay aoo abaarahaas khuseeyaa inaba inaanay jrin, markaas hore Waddani ahaan abaarahaas waanu ka qaylinay, baaqyo ayaanu ka dirnay, waanu tagnay galbeedka, wixii aanu ku tari karaynayna waanu ku tarnay.” ayuu yidhi.