berberatoday.com
Wasiirka Maaliyadda Oo Tafaasiil Ka Bixisay Qorshe Laba Todobaad Biyo Lagaga Soo Saarayo Deegaanada Abaartu Ku Habsatay Oo Riig Loo Diray
November 7, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Maaliyadda Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa maanta Axadii magaaladda Hargeisa ka amba-bixisay baabuur Riig ah oo uu Madaxwaynuhu amray in degdeg loogu diro si uu biyo ugu soo saaro deegaanada bariga dalka ee ay abaaruhu ku habsadeen.

samsam(6).jpg

Wasiir Samsam oo hadal kooban ka jeedisay madashii uu riigu ka dhaqaaqayey ayaa tafaasiil ka bixisay xajmiga abaaraha ka jira deegaanada barriga Somaliland oo ay tilmaamtay inay xaalad culusi ka jirto isla markaana dadkii kasoo kala qaxay goboladda Sanaag, Sool, Saraar iyo Saaxil ay iskugu soo urureen deegaanka Coodanle oo lagu ururiyey.

Marwo Samsam Cabdi Aadan waxay sheegtay in sida qorshuhu  yahay inuu riigaasi  laba todobaad biyo kaga soo saari doono deegaanada Coodanle ee ay kusoo qaxeen dadkii abaaruhu ku habsadeen, halkaas oo sida lagu sheegay seerfaynkii ugu danbeeyey deegaankaasi lagu sameeyey biyaha lagu gaadhi gaadhi dooni  370 Mitir.

Wasiirka Maaliyadu waxay tibaaxday inay bulshaddaasi u baahan yihiin gurmad degdeg ah oo lala gaadho, kaas oo Ilaahay uga bariday inuu raxmadiisa u shubo. Ugu horayna marwos Samsam Cabdi Aadan  iyadoo arrimahaasi ka hadlaysa waxay hadalkeeda ku bilawday “Ilaahay baynu (SWT) ka baryeynaa inuu abaaraha inaga soo jabiyo oo uu raxmaad khayr qaba ina siiyo, mida kale markii aanu Madaxwaynaha uga waranay xajmiga abaarta dhacday ee dalkeena ka taagan oo waliba meesha Coodanle la yidhaahdo ay dad aad u faro badan oo iskaga yimid oo kasoo qaxay  Sanaag, Saraar , Sool iyo Saaxil-ba ay iskugu yimaadeen oo ay meel 8 KM oo isku wareeg ah ay iskugu yimaadeen dad aad u faro badan oo deegaanada kasoo wada qaxay oo aanay runtii meeshaasi qaadayninba, isla markaana iyaga iyo xoolahoodii iyo caruurtii dadkii waayeelka ahaaba la socdaan meeshaasi ay iskugu yimaadeen ayaa waxa yaraaday biyihii iyo booyadihii biyaha u gaynayey oo la kala waayey oo halkaasi waxa ka taagan biyo la’aan aad u balaadhan. Anigu shalay baan deegaankaa kasoo  noqday oo aanu gaadhsiinay madaxwaynaha markii aanu uga waranay mushkiladaas ayaa waxa uu Madaxwaynuhu amray in Riig la dhaqaajiyo oo degdeg loo geeyo deegaankaasi maadaama oo sarfaynkii la hayo”.

 

Wasiir Samsam iyadoo hadalkeeda sii wadata waxay intaasi raacisay  “Markii uu amarkaas madaxwaynuhu soo bixiyey ayaanu la xidhiidhnay shirkaddan biyaha kasoo  saaraysa halkaas oo iyaguna noo sheegay in 370 Mitir lagu gaadhayo biyaha goob la eegay oo deegaankaasi ku taala, markaa waxaanu Insha Allaah rajaynaynaa in muddo laba todobaad ah biyaha lagu soo saaro inta ka  horaysana aynu xukuumad ahaan biyaha booyadaha wadno oo dadka iyo xoolahaba lagu waraabiyo”.

 

Marwo Samsam Cabdi Aadan mar ay ka hadlaysay waxa uga meelyaala xukuumad ahaan hadii ay abaartu sii daba-dheeraato, waxay hadalkeeda ku bilawday “Mida kale Ilaahay inaguma keenee hadii uu Jiilaalku dheeraado oo uu roobku da’i waayo riig deegaanadaa abaartu ka jirto u shaqeeya  laga maarmi maayo, markaa maanta waxa dhaqaaqay riigaa aad arkaysaan ee madaxwaynuhu amray in degdeg loo gaadhsiiyo deegaanadaasi si uu biyo ugu soo saaro dadka halkaasi haraadku ku hayo, markaa Insha Allaah marka ay dadku helaan raashinka iyo biyaha waxaanu rajaynaynaa in raxmada Alle inoo da’do iyada ayuun baa haraadka iyo mushkilada lagaga bixi karaaye”.

 

Sidoo kale waxa isaguna halkaas ka hadlay Khadar Cabdi Xuseen oo ku hadlayey magaca shirkadda riiga iska leh ee ceelka qodaysa, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Ilaahay ayeynu baryeynaa oo inaga dulqaadi kara abaaraha. Anigoo ku hadlaya magaca shirkadda Durdur Drilling Company  waxaanu diyaar u nahay inaanu ka qaybqaadano gurmadka iyo dedaalka loogu jiro badbaadinta dadkeena, shirkad ahaana way naga go’an tahay inaanu hawshaa degdeg u galno. Riigan aad arkaysaana imika waxa uu kasoo baxay tuulada la yidhaahdo Ceel-samir  ee hore loo odhan jiray Ceel-xume oo aanu biyo fiican ka gaadhnay,waxaanu sidoo kale kasoo baxnay Qabri-huluul oo aanu dadkaa ay maanta abaaruhu aafeeyeen ku caymadeen oo ay biyaha ka cabayaan, Ilaahay-na waxaanu ka baryeynaa in ceelkan imika ee Coodanle iyo jiidiisa in isagana Ilaahay inoo fududeeyo inaynu degdeg biyo uga soo saarno isaga ayaa awooda lehe, markaa imika ayaanu dhaqaaqaynaa oo aanu hawshaasi u dhaqaaqaynaa Insha Allaah, dhamaan qalabkii riiga iyo shaqaalihiisa-na waa kuwaa idiin muuqda ee u diyaarsan inay imika dhaqaajiyaan”.

 

Dhinaca kale wasiiradda maaliyadda Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa galinkii danbe ee Sabtidii kasoo guryo noqotay safar dheer oo saddex maalmood qaatay oo ay ku maraysay deegaada balaadhan ee abaaruhu ka jiraan, isla markaana ay kusoo qiimaynaysay xajmiga abaarta ka jirta deegaanadaasi.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews