berberatoday.com
Xukuumadda Somaliland Oo Kenya Ka Codsatay Inay Hormuud Ka Noqoto Aqoonsi Raadiska Somaliland Ee Midowga
November 7, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Somaliland ayaa dawladda Kenya ka codsatay inay hormuud ka noqoto olole aqoonsi raadis oo lagu qaado ururka Midowga Afrika iyo dawladaha gobalka.

 

Wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, oo toddobaadkii hore isagoo wefti hoggaaminaya booqasho ku tagay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, ayaa wargeyska The East African u sheegay inuu kulamo la yeeshay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya oo uu ka codsaday inay Kenya hoggaamiso ololaha aqoonsi raadis ee Somaliland, “Waxaanu doonaynaa Inay Kenya hoggaamiso ololahayaga aqoonsiga, waayo waxaanu wadaagnaa xidhiidh taariikheed iyo mid dhaqaale.” ayuu yidhi Wasiir Sacad oo intaas raaciyay inay Somaliland iyo Kenya mar ahaayeen mustacmaradii Ingiriiska oo isticmaali jiray lacag isku mid ah islamarkaana ay ka shaqayn jireen shuruuc isku mid ahi.

Wuxuu wasiirku sheegay in shaqaale Kenyan ah oo gaadhaya 3000 oo ruux ay ka shaqeeyaan hay’adaha iyo ururada kale ee jooga Somaliland, isagoo xusay in sidoo Somaliland la keeno wax soo saar ay Kenya leedahay sida shaaha oo kale.

Weftiga Wasiir Sacad ayaa waxa kale oo ay kulamo la yeesheen Midowga Yurub, Baanka Adduunka, IMF iyo safiirka Maraykanka ee Kenya.

Wargeysku ma sheegin jawaabta ay dawladda Kenya ka bixisay dalabka Somaliland oo u muuqda jiho diblomaasiyadeed oo cusub oo ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo furtay.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews