berberatoday.com
Garabka Jamaal Cali Xuseen Ee Xisbiga Ucid Oo Shirkoodii Aan Caadiga Aheyn Xilkii Kaga Qaaday Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Gudoomiyena Udoortay Xasan Cismaan Sabca Iyo Heshiiskii Labada dhinac oo La Ansixiyay
November 8, 2016 - Written by Berbera Today

War deg-deg ah: Aqlabiyadda Xisbiga Ucid ayaa Shirweynihii aan Caadiga Qabsaday, kuna Doortay Gudoomiye Ku meel gaadh ah, Laguna Ansixiyey Heshiiskii+ Xukuumada oo Huteelkii Ka Hor istaagay, Kadibna Sarajooga ku qabsaday

Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxa shirweynahii xisbiga UCID- ee garabka uu hogaamiyo Jamaal Cali Xuseen uu xilkii gudoomiyanimo ka xayuubiyeen gudoomiyahii xisbigaasi mudane Faysal Cali Waraabe,  waxna ay xilkaasi u doorteen Xuseen Sabcaoo ahaan jiray xoghayahii xisbiga UCID- inkasta oo ay xalay xukumaddu mamnuucday xalay qabsoomida shirka golaha dhexe ee garabka Jamaal Cali Xuseen ayaa hadana waxa shirkaasi uu ka dhacay goob ka soo hor jeeda Hotel Maansoor oo ay ahayd in uu shirkaasi ka qabsoomo, waxana halkaasi isugu soo baxay badiba tageerayaasha xisbiga UCID- Waxana sidoo kale ka soo qayb galay dhamaan marti sharaftii lagu marti qaaday shirkaasi oo ay ka mid ahaayeen xisbiga Waddani waxana xisbiga Waddani shirkaasi uga qayb galay xoghayaha guud Mr Uurcadde, waxna shirkaasi uu ku dhmaaday jawi wanaagsan.

Dhanka kalena waxa wali socda shirweynahii garabka Faysal Cali Waraabe oo ay buux dhaafiyeen xubnahii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye oo uu hor kacaayo gudoomiye ku xigeenka xisbigaasi Maxamed Kaahin Axmed, waxna sidoo kale aad shirkaasi u buux dhaafiyay ciidan aad u tiro badan oo ay ku jiraan askar tiro badan oo labsian ddirayska ciidmada oo qaarkood ay sitaan darajooyin sare, waxna shirka Faysal Cali Waraabe iyo ka Jamaal Cali Xuseen labadaba ka maqnaa oo aan soo xaadirin gudiga diwaan galinta asaxaabta qaranka oo iyagu hore u diiday sharciyada qabsoomida labada dhan ee xisbiga Kulmiye, waxna halkaasi kaaga cad in arintani ay wadato xukumadda iyo xisbigeeda Kulmiye.ujeedada koowaadna tahay in Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen La Lumiyo Xaqiisa Musharaxnimo iyada oo loola jeedo inay Muuse Biixi isku Beel Yihiin Taasina aanay Suuragalinayn inuu Muuse oo Musharax Madaxweyne Ah tartamo maadama oo aanu wada helayn Codkii Beeshiisa Habar Awal Oo Ciise Muuse taageerayaan Musharax Jamaal cali Xuseen Meel uu Itaal Dhigaba.

Waxaa xusid muddan in garabkan loo diiday in ay shir ku qabsadaan hotelada Magaalada Hargeysa isla markaana waxaa ay gudoomiyaha cusub ku doorteen afaafka hore ee hotel Maansoor

Arintan ayaa waxaa ay ku soo beegmaysa xili garabka kale ee gudomye Faysal Cali waraabe shir aan caadi aheyn ku qabsadey magaalada Hargeysa isla markaana uu ku laalay dhamaan hishiis yadii xisbigu la galay garabka Jamaal Cali Xussen Hogaaminayo

 

Wararka oo faah faahsan la soco dhawaa

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews