berberatoday.com
Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Dhakhtarka Ku Booqday Dhaawacyaddii Dhalinyaraddii Iyo Askartii Ku Dhaawacntay Rabshadihii Xalay Garoonka Hargeysa Ka Dhacay (Sawiro).
November 8, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) iyo guddoomiyaha Xisbigaasi Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde, ayaa saaka soo booqday dadkii ku waxyeeloobay rabshadahii shalay14947429_1131954570187878_8776775242877967534_n

ka dhacay Garoonka ciyaaraha ee Hargeysa Stadium oo dhaawacyo soo gaadhay u yaala Cisbitaalka weyn ee Hargeysa.

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI iyo Guddoomiye Cabdiqaadir Jirde oo sida oo kale ay wehelinaayeen xoghayaha Guud iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Xisbigaasi, ayaa ugu horreyn xaaladda guud ee dadkaas ka xaal waraystay wasiirka wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr.Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) iyo Agaasimaha guud ee Cisbitaalka weyn ee Hargeysa Dr.Askar oo halkaas ku sugnaa, waxaana ay u sheegeen in xaaladda guud ee dadka ku soo waxyeeloobay rabshadahii Ciyaaraha ee Garoonka Hargeysa ay aad u fiican tahay isla mar ahaantana ay qabaan dhaawacyo fudud sida oo kale na aanay jirin wax dhimasho ah oo la soo gaadhsiiyey Cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeya.

 

Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) iyo mas’uuliyiinta kale ee ka tisan Xisbiga WADDANI oo uu wehelinaayo agaasimaha guud ee Cisbitaalka weyn ee Hargeysa, ayaa intaa ka dib waxa ay booqasho ugu tageen dadkii dhawacyadu soo gaadheen oo iskugu jiray qaar ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland iyo weli ba dad shicib ah, isaga oo ka xaal waraystay xaaladdooda caafimaad, waxaana uu Alle uga baryey in uu dhammaantood ba uu caafimaad sareecan ah uu siiyo sida oo kale na waxa uu eheladdoodii iyo guud ahaan ba shacabka Somaliland uu u muujiyey in uu si aada ug xun yahay qaabka ay wax u dhaceen.

“Saaka, waxa aanu soo booqanay dadkii ku waxyeeloobay rabashadahii Garoonka Hargeysa, xaaladdooda Caafimaad aad ayey hada u fiican tahay, waxaana wasiirka Caafimaadka iyo agaasimaha Cisbitaalku noogga warbixiyeen sida ay wax u qabaan iyo xaaladdooda caafimaad ba dadkii la soo gaadhsiiyey Cisbitaalka, runtii aad baanu uga xun nahay in sida sida ay wax u dhaceen, waxaana aanu dhammaan dadkaas ooanay jirin wax dhimasho ah aanu Alle uga baryeynaa in uu caafimaad sareecan ah siiyo, waxaana aanu dhallinyarta ugu baaqaynaa in aanay rabshado noocaas oo kale ahi mar dambe innagu soo noqonin, iyada oon ciidamada uga mahadcelinaayo sida ay mas’uuliyadda ay u muujiyeen oo ay ku tusinayso tirada dhaawacyada la soo gaadhsiiyey cisbitaalka in ay Ciidamo u badan yihiin. dadkii dhaawacmay eheladdoodii waxa aanu lee nahay waanu ka xun nahay, waana aanu idin ka tacsideynaynaa Alle na caafimaad sareecan ah siiyo dhammaan ba intii waxyeeladu soo gaadhay.”.Ayuu yidhi Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro)

14915197_1131954806854521_2538890891017213645_n14915234_1131954620187873_8514462215644652023_n14925223_1131953883521280_986098882222312247_n14925268_1131953120188023_4938953761288022222_n14925414_1131954373521231_4159853260937292155_n14925662_1131954033521265_3750420244888689626_n14937226_1131954876854514_3721513112302776992_n14947429_1131954570187878_8776775242877967534_n14947435_1131954423521226_6846036248564347164_n14955881_1131953086854693_2796846153935576314_n14956007_1131955186854483_8389181408497313138_n14963374_1131952770188058_5056906562559071214_n14980643_1131955083521160_8658738034972301874_n14980789_1131953013521367_3221869090448180042_n14991833_1131953836854618_6963981586065996377_n14993376_1131953496854652_3014583433366506869_n15027456_1131952046854797_1534111457228498049_n15027817_1131952743521394_3165302042288028131_n15036314_1131954656854536_5708422403053394273_n15036332_1131953400187995_6935966292515259987_n15036345_1131954363521232_1104960825793969942_n15036565_1131954956854506_6522199386361570807_n15036632_1131953243521344_5148550208853687462_n

Berberatoday.com

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews