berberatoday.com
Qoysas Badan Oo Ku Caydhoobay Abaaro Ba’an Oo Ku Dhuftay Deegaanka Mandheera iyo Masuuliyiinta Heer Gobol iyo Heer Degmo Ee Gobolka Saaxil Oo Dhagaha Ka Furaystay.
November 8, 2016 - Written by Berbera Today

Safar aan hargeysa kaga baxay kuna socdey berbera ayaan ku sii marey duleedka tuulada maqaaxida inanta reer xoola dhaqata ah xoolahaas oo u badnaa riyo .

Waxaan ku arkay duleedka reerka adhi ciidaa ka badnaa oo gabi ahaanba duleedka reerka qariyey nasiib daro shaw waxaan ii muuqda ee cadaankoda la arkayaaba waa 182 neef oo dhawrkii todobaad ee u danbeeyey bakhtiyey “”??
Yaabey waxaan wada soconaa nin lagu magacaabo cabdi kabaweyne oo ay walaalo yihiin ninkan xooluhu ka dhama dhinteen isaga laftigiisu war ku filan sababta dhomashada iyo tirada guud ma hayo qaylo dhaan kaliya ayuu ku socdaa .
Amakaak iyo yaab aragney waxaa u hadhay woxogaa aan badnayn oo inta badani ay tamar gabeen oo dirqi ku socdaan baad ay cunaan xooluhu ishaydu may qaban gartey in xoolahani gaajo leysey oo roobkii gugu ka baaqdey .

Waxaa igaga naxdin badnaa shan caruura oo quruxda aad daawan lahayd hadey nolol haystaan oo muuqooda aad ka naxayso iyo hooyadii iyo aabihii ood moodo in iyaga laftooda ay ka qasantey jihadii iyo halkii ama sidii ay ka yeeli lahaayeen mushkiladan ku habsatey .

Waxaa uu sidey woxogaa roodhi ah oo maalim dagaal ah waxaanu u qaybiyey caruurtii u adeerka u ahaa balse saacada wax kale oo uu qaban karayey may jirin .
Waxaanu ii sheegey inuu doonayo inuu caruurta badbaadoyo oo uu dhinaca sh abdaal u kexeeyo oo aanay caruurta iyo xooluhu isku dul dhiman intii itaalkii ah balse ilaa hadada wax war ah kamaan helin .

Sidaa daradeed maamulka heer gobol degmo iyo heer qaranba waxaan u soo jeedinaya in dad iyo duunyaba loo gurmado oo degaanadan waxyeelada abaartu ka jirto loo hawl galo xoolihii dhamaadee in ubadka iyo baaqigaba loo gurmado.
Waxaa kaloon u soo jeedinayaa ganacsatada deegaanadan abaaruhu ka jiraan ku dhaqan inay dad iyo duunyaba u gurmadaan inta xukuumadu soo xaamxaamanayso horaa loo yidhi dhicisku in birta loo soo sido ayuu sii bakhtiyaaye.
Geesta ilaa iyo hada ma jirto wax Gurmad ah oo Xukuumadda Somaliland iyo Masuuliyiinta Heer Gobol iyo Heer Degmo ee gobolka Saaxil ay gaadhsiiyeen shicibka ku caydhoobay Aafadaa abaareed eek u habsatay deegaanka Mandheera ee ka tirsan gobolka Saaxil iyo guud’ahaanba gobolkaasi..

Suxufi Maxamed Biid.
Berbera Somaliland.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews