Xogo Dibada Soo Dhigay In Shirkada Telesom Dhaqaale Siiso Xisbiga Wadani Iyo Danaha Qarsoon Ee Ka Danbeeya
November 8, 2016 - Written by Berbera Today
Hargaysa(Berberatoday.com)-Waxaa Marba Marka Ka Danbaysa dalka Somaliland Ka Hanoqaadayey Shirkado Ganacsi Iyo Ganacsato Kale oo Marba Heerka Dalku Marayo La Maraaxil Ahaa, Hadaba Shirkada Telesom Oo Ku Faaiiday Nabada Iyo Deganaanshaha Dalka Somaliland Islamarkaana Shacabka Somaliland Si Aan Arxan lahayn uga dheefta dhaqaaale Baaxad Leh ayaa marka la isbarbar dhigo dhaqaalaha ay dalka iyo shacabka kusoo celiso iyo ka ay ka faaiido aad u kala fog yihiin, mana jirto wax la taaban karo oo ilaa hadda telesom shacabkeed dib ugu celisay oo manaafacaad leh, marka laga tagi waayo waxay kaliya dalka ka dhisataa daaro dhaadheer oo dhiigii shacabka somaliland laga dhisay, Cashuur ahaan Marnaba Telesom Dalka Dib uguma Celiso Dhaqaalehii ku Waajibay,
