berberatoday.com
“Berigii Uu Waabeeye KULMIYE Ka Tegay Ayaan Muuse Biixi Ku Idhi [Guddoomiye] Halkii Waabeeyaan Doonayaa, Wuxuuna Igu Yidhi….”
November 9, 2016 - Written by Berbera Today

Xildhibaan Bukhaari Oo Ka Sheekeeyey Xilli Uu Hungureeyey Kursiga Saddexaad Ee KULMIYE Iyo Hadal Uu Muuse Biixi Ugu Jawaabay

bukhaari

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Saleebaan Cawad Cige(Bukhaari)oo katirsan mudanayaasha aqalka wakiillada ee laga soo doorto gobolka Sanaag, ayaa faahfaahin ka bixiyey caddaalad iyo hawlkarnimo uu caan ku yahay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Md. Muuse Biixi Cabdi, taas oo uu kaga duwan yahay murrashixiinta kale ee tartanka kula jirta.

Xildhibaan Bukhaari oo ka hadlay madal ay bulshada bariga magaalada Hargeysa ku dhaqani ku muujinaysay taageerada ay u hayso xisbiga KULMIYE, ayaa qodob-qodob isu dultaagay dhacdooyin taariikhda galay oo marag u ah sida Muuse Biixi dhexdhexaadnimada ugu sifoobay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi ,“Caddaaladda Muuse Biixi baan idiinka sheekaynayaaye 1990-kii shirkii Balli-gubadle, duruuftu way adkayd oo dadku qaxooti buu ahaa, SNM-na garabyo iyo waxbaa iska jirey, ninkii kelli ahaa ee lagu aaminay shirkii golaha  dhexe ee Cabdiraxmaan Axmed Cali lagu doortay Muuse Biixi buu ahaa.”

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata, ayaa carrabka ku ballaadhiyey in shirkaas Ballig-gubadle uu Muuse Biixi guddoominayey uu kasoo baxay siyaasi aan ahayn midkii ay isku deegaanka ahaayeen, isla-markaana uu baalmaray dhammaanba cadaadooyinka eexda iyo reernimada leh ee bulshada inteeda badani ku sifaysan tahay,“shirkaas waxa ku tartamayey nin ay Muuse Biixi isku raas yihiin iyo nin kale oo beesha bariga Hargeysa ilaa Ceerigaabo ah, waxana Soomaalida lagu yaqaanaa oo weliba maalmahan aynu arkaynaa reerkeena golaha dhexe u  badi, soo buuxi, kaas kaadhka u diid, kaasna dibadda ku celi, laakiin Muuse Biixi intaas midna ma samaynine caddaalad buu ku kala saaray, waxana uu iyada oo la arkayo uu golihii kusoo saaray ninkii beesha kale kasoo jeeday” ayuu yidhi Xildhibaan Bukhaari.

Saleebaan Bukhaari, waxa uu ka sheekeeyey dhacdo uu kala kulmay guddoomiye Muuse Biixi, xilli uu doonayey inuu ku fadhiisto kursiga saddexaad ee xisbiga KULMIYE ugu sarreeya oo bannaanaaday, waxana uu yidhi,“Muuse Biixi waxa uu qabo ayuu sheegaa, halka aanu rabina inta uu dadka yidhaahdo xaggaas u baydha isagu gacanta uma taago, berigii uu Waabeeye KULMIYE ka tegay intaan Muuse Biixi u tegay baan ku idhi halkii Waabeeyaan doonayaa, waxana uu igu yidhi waad wanaagsan tahay, laakiin Axmed Cabdi-dheeraa kaaga soo horreeyey, anna waan ku qancay, waayo waan ogahay in maalinta uu kalkaygu joogo inaanu nin kale oo hadda yimi iga dul gelinaynin.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews