berberatoday.com
“Dadkayaga Kumaannaan Qancin Karayn Waxa Musharrax Ah Ninkaa Shaanida Qarxinayey Isagoon Meelba Gaadhin..”Wasiirkii Hore ee Cadaalada Xuseen Axmed Caydiid
November 9, 2016 - Written by Berbera Today

“Madaxweynuhu Xuurtuu ku haystaa Golihiisa Wasiirrada, Ninka raaci waaya dee wuu eryayaa..” Xuseen Axmed Caydiid

 

 

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid oo wakhtigan ka tirsan Xisbiga Waddani oo isaga iyo Xubno ay mar iska wada casileen Xukuumadda ku biireen dhawaan, ayaa weeraray Musharraxa Madaxweynaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Xisibgaas, waxaanu ku tilmaamay Nin aan lagu aammini karin hoggaaminta Somaliland oo aan Bulshada isku wadi karin.

Xuseen Axmed Caydiid oo uu Waraysi gaar ah la yeeshay Weriye Khadar Macallin Deeq oo ka tirsan Somalinews TV oo uu Hargeysa u joogo, ayaa ugu horreyn weydiiyey Xuseen Axmed Caydiid in la is-weydiinayo waxay Xubnihii uu ka midka ahaa ee Isbahaysiga KULMIYE la baxay ee dhawaan Waddani ku biiray waxay ku kordhin karaan Xisbigaas, waxa uu ku jawaabay; “Su’aashaa aad I weydiisay haddii aan ka jawaabo waxaad tidhi Rag culus baad ahaydeen, kelmaddaasina iskama timaaddee waxaan odhan karaa, Raggaasi waxay ahaayeen Raggii Axmed Maxamed Siilaanyo Madaxweynaha dalka ka dhigay, miisaankii ay kaga dhigeenna kol haddaan Siilaanyo sharraxnayn waxaannu nahay Rag ummadda ku qancin kara halka dantoodu tahay oo cidday ku biireen awooddii ay ka hore ku saareen ku soo saari kara.”

Waxa kale oo Xuseen Axmed Caydiid la weydiiyey in Xisbiga Kulmiye ku tilmaamo Rag Xisbigii iyo Xukuumaddii ay ka tirsanaayeen iskaga tegay iyo sida Xisbi kale ku aammini karo, waxa uu yidhi; “Nidaamka dawladnimo ee aynu leenahay waa nidaam madaxtooyo oo aan Baarlamaani ahayn, Madaxweynuhu Cidda uu Wasiirro ka dhiganayo isagaa toos u soo xusha, Suuquu ka soo guranayaa, subaxana wuu dareerin karaa, Raggaa la dareerin karaa waxay iyaguna xaq u leeyihiin markay doonaan inay dareeri karaan.”

“Markaa, markaannu aragnay Madaxweynuhu inaanu musharrax ahayn, ee Ninkii aannu ummadda horgeynay ee ummaddu dooratay ee muddada dheer nalahaa waan sharraxanahay ay noo caddaatay inaanu sharraxnayn ee uu weliba Nin iska xushay isagu aanu nagala tashan oo aannu weliba u aragno ninkaa aanu nagala tashan inaannaan ku qanci karin inuu ummadda hoggaamin karo oo aanu ummadda hoggeemiye iyo Damal ay dhadhsadaan u wada noqon karin, ayaannu go’aansannay inaannu ka tagno. Haddii cidi ku khasaarayso oo aannu dan gaar ah eexaysanayno dantayada gaarka ahi waxay ku jirtay inaannu Mushaharkayagii iska sii qaadanno, waxaannu ka doorbidnay oo dantayadii u daadinnay oo carruurtayadii u dayacnay danta guud baannu eegaynay.” Sidaa ayuu yidhi Xuseen Axmed Caydiid.

Waxaanu Xuseen oo sii watay jawaabtiisa intaas ku daray; “Taa guudna waxa weeyaan, inaannaan u arkayn ninkaa Madaxweynuhu yidhi aan dhiso Muuse Biixi, waa Ninkii xoogga wax ku doonayey, waa ninkii Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye in lagula tartamo, waa ninkaa diiddanaa in Musharraxnimada Kulmiye lagula tartamo, waa Ninkaa Shaanida qarxinayey ee isagoon meelba gaadhin ee magaalada qaska ka waday. Kuma qancin karno ummaddayada, dadkayaga iyo deegaannadaannu ka nimi Ninkaasi inuu yahay Ninkii ku habboonaa Musharraxnimo.”

“Dabeedna inaannu ummadda Musharrax u doonno iyo cid hoggaamin karta ayaannu taa uga tagnay, wax kale oo meesha noo yaallay ma jirin. Haddaannu sii joogno isumay kaayo qabanayn inaannu Madaxweynaha khilaafno iyo inaannu Xukuumadda ku sii jirno, Madaxweynuhu Xuurtuu ku haystaa Golihiisa Wasiirrada, Ninka raaci waaya dee wuu eryayaa, Annaguna annagaa ka tagnay oo Caqligayaga inaannu u madax-bannaanaanno oo ummadda wax anfaca aannu horkeenno. Waxaannu sahan ugu maqnaannaba,  ummadda halka aannu maanta keennay waa Waddain, labadaa nin marka la isku eego ninkaas baannu garannay Bari iyo Galbeed nin ummadda isku wadi kara.” Sidaa ayuu yidhi Xuseen.

Waxaanu sheegay inay u muuqato saadaal fiican oo uu ku guulaysan karo Xisbiga Waddani, isagoo xusay in taas ay muujinayso quus uu sheegay in Kulmiye ka qaaday ku biirista Waddani ee Xubnihii Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye iska casilay sannadkii hore.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews