berberatoday.com
“Hala Bedello Ninkii Inna Tukiyey Roob-doontii U Dembeysay, La Arkee Mar Kaleeto Inuu Roobku Curteee!!!”
November 9, 2016 - Written by Berbera Today

 

sh-jaabir-2

-W/Q: Sheekh Cabdiqaadir Carab Warsame (Sheekh-Jaabir)

Hargeysa(Hubaal)-Sheekh Cabdiqaadir Carab Warsame [Sheekh Jaabir] oo kamid ah Culimada Hargeysa ee, badiyaa kahadla Arrimaha ku taxalluqa   Diiniyan Caafimaadka Muslimiinta & Cudurrada Guud iyo siyaabaha loola tacaalo. Ayaa  wax ka qorey astaabaha iyo tartiibta ay diinta islaamku u samaysay xilliyada la oogayo salaadda roob doonta. Qormadan oo Sheekhu Cinwaan uga dhigay “Roobdoontii u dembeysay Ha La Bedello Ninkii Inna Tukinayay” oo nuqul ka mid ah qormadaasi soo gaadhay wargeyska HUBAAL waxaa uu  ku bilaabay sidan: “Waxaan marka hore leeyahay allaw roobee allaw raxmadee…”, Allah bari kadib waxaa maqaalkan igu dhaliyay roob doonta aynu kuwada jirno oo si walba inaan u dhigno u baahan, waana tii wax saxaysay nooc kamid ah tani makra aan qoonsanayo cidda ummada hogaanka u ah maalmahan inuu roobku u xanibmi karo darteed, hadii uu yahay mid aan wax laga aqbalayaa jirin, taasi oo koobsan karta hogaan kasta oo sare ama hoose . Waxaanse farta si aada ugu fiiqayaa xaaladan oo kale cidii ummada u shiikha ee kaarto mooyaane aan karaamo ku keeni karin roob degdega, si ilaahay isagaa deeqdiisu waasac tahay uu bari iyo galbeed iyo waqooyi iyo hawdba mar qudha u gaadhsiiyo raxmaadkiisa. Balse hadii uu mashruuc qaate noqdo sheekhaasi iyo kuwo lanooc ahiba waxaa sii fogaanaya raxmadii ilaahay,,waa meel laga toosin karo sidii abaarta looga bixi lahaa in dadka shaqaynaya caamo iyo culimo daacad yihiin oonay xattaa kharash badnayn ama musuq aqoon. Sidoo kale waa in la ogaado waxaa abaarta keenaya oo dulmi iyo dambi xad dhaafay ah taasi oo roobdoon la tukado ay shardi u tahay in la toobad keeno oo la isa saamaxo qof walibana khaladkiisa ka baxo. Quluubta dadka oo is khilaafta waxay keenaysaa qalbi abaaraysan iyo dhul abaaraysan waxaana dadka halkaa gaadhsiiyay maanta loolanka axsaabta qaranka iyo muranka joogtada ah ee ay dhex dhigeen laba qof oo kasta oo wada dhashay ama jaar iyo jiiraan ah waxaanad arkaysaa gaadhigii ololaha oo hadana kii abaarta kasoo gurmaday ah,! Waxtarka maanta oo ku salaysan ku abaal dhigasho bari ah oo dadka madhay lagaga rabo cod ay bixiyaan roob keeni mayso, waayo waa in taas loo rogo waajib qaran iyo masuuliyad marka horeba saarayd qofkasta oo waxtar ah  Cimilada is bedeshay waxaa ka daran culimada is bedeshay ee kasal guurtay wixii ummadan iyo dhulkan diinta iyo dhaqanka u ahayd kuwaas oo yaqaanay dadkanu sida waalidka iyo culimada dhintay loo siyaarto ee xoolo iyo qurbaan loogu loogo xaqii iyo xuskii ay lahaayeena loo guto waajibkiisa,  Taasi oo dadka iyo dhulka iyo xoolahaba gu iyo jiilaal ay ku heli jireen barwaaqo ama abaarta ay degdeg u jabi jireen, waxaase maanta dhacday in wax walba la xaaraan yeelay oo la bidco yeelay oo dadkii aakhiro iyo dadkii aduunku kala xidhiidh furtay si aan guryaha iyo godka midna aan waxba la iskugu siin.  Dadkan 100% islaamka ah waligood may caabudin ilaahay cidaan ahayn waxna may waydiisan balse waligood waxay yaqaaneen xaqa uu leeyahay kan nool iyo kan dhintay taasina waxay keeni jirtay in marka dhulka la iskaga naxariisto samada naxariisi katimaado  Waxaase maanta bedelay nin sheekha oo leh hal doolar iyo wixii kasareeya soo dira waa arrin adag taasi ma lacagbaa roob noqon? waa maya waxaa kale oo isna jira nin kamarad iyo mikirfoon iyo gaadhi cad qaatay oo aan waxba sidin oo leh abaartaan soo eegayaa waa yaab! Iyadna, waayo bakhti lasoo arko looma baahna ee bakhti la soo badbaadiyo iyo baahi ladaboolo ayaa loo baahan yahay  Inoo raba inaan la iga dareemin culimo isku hinaastay inaan noqdo ama duul culimo qastay ama inaan dadka shaki galiyo ama dadaalka socoda wax u dhimo hadana waxaan rabaa inaan saxo maslooyin jiri jiray oo maanta nin meesha kasaaray isla markaana aan wax cusub oo roob lagu helo degdega hayn lacag ururin mooyaane. Haddii xoolihii lagu siyaaran lahaa waalidiinta iyo culimadu dhamaadeen waxaa inala gudboon in bariis cad lagu siiyaarto isla markaana ilaahay loogu tawasulo inuu ajarkaa kasawaabiyo gaadhsiiyana qof walba waalidkiisii iyo sheekhiisii cuntadaana cid cunta oo u baahan lawaayi maayo,sababtuna waa qasdiga iyo ujeedada iyo isku imaatinka iyo wax wada cunka aynu dhexdeena is quudin karno, lana daadin maayee waa la cunayaa miyi iyo magaalo, todoba toba qoys iyo intii ka badan way wada samaysan karaan.  Haday taasi khalad diini ah iyo gaf aan daliil lahayn noqdo roobku di,I maayo! haduuse isla markaaba cilaaco ma afkaa wax lagaga guri? waxaa la ogaan inay tahay diin iyo shari jiri jiray oo meesha laga saaray Waxaad arkaysaa dadka oo aan ducaysanayn hadana sadaqo badan bixinaya oo aad moodo inay show tawahay sidii kuwii roob doontii dhawad rishwaanta iyo go,a shaalka ah ku tukanayay iyo suudhka iyo tayga  Waxaa la rabaa in dadku wax niyoodaan oo ujeedo leeyihiin taasi oo ay dhaafsan karaan khayrka kuwa ilaahay jecel yahay ee dhulka ku duugan xuskooda iyo maamuuskooda iyo siyaaradooda  Waxaana xuskaa iyo maamuuskaasi gaadhsiisan yahay xus alle iyo maamuus alle waana sababta lagu xusayo adoomahan oo qiimahoodu yahay ku aan la iloobi karin nolol iyo geeri. Qaran kubad ciyaaraya oo hada abaaraysan baynu nahay waxba malaha oo aduunkaa sidaas ah balse khilaafka ka dhasha ciyaarta iyo kan ka dhasha axsaabta qaranka labudaba waxay ku tusaan in ciqaab iyo imtixaan ilaahay la socdo  Guntii iyo gabo gabadii waxaan odhan lahaa waxbaa khaldan ee dib aan usaxno oo kaartada karaamo halgu daro, qofkastaana hatoobad keeno hana la isasaamaxo oo wixi khilaaf adaga dib haloo dhigto caruurta iyo ubadkana rasaasta nool halaga daayo sharci iyo dhaqan toona maaha, rabshad kubadeed oo tan ka xumi waagii baryaba aduunka way ka dhacdaa lkn wax baas mariya ma jiraan, iyadna roob ku heli mayno inta ubadka dhiigoodu dhulka ku tiixayo roob tiixi maayo  Roobdoon dambe oo aan ku noqono waxaa dhaanta in la sameeyo maalin isa saamax iyo ducaysi oo loo balamo hadii aan la is haleelayna qof walabaw ninkii caawa kuugu darraa caloosha kasii daa ducadana aqalkaaga ku samayso la arkee mar kaleeto inuu roobku curtee.

Qalinkii: Sh. Cabdiqaadir Carab Warsame (Sh. Jaabir)

Sheekh Jaabir Herbalist, Hargeysa, Somaliland

E-mail:hoosiis@hotmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews