berberatoday.com
Somaliland”Codbixiyeyaasha Is-Diiwaangeliyey Oo Tiradooda La Sheegay Iyo Kaadhadhkii Oo Iyaga Oo Madhan Paris Laga Keenayo
November 9, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Hay’adda Creativitity Associates International, oo ah hay’ad la shaqaysa

guddiga doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa markii u horaysay baahisay tirada cod bixiyayaasha ee la filayo inay Somaliland iska diiwaangeliyeen.

Hay’addan, ayaa warbixin ay soo saartay waxa kale oo ay sheegtay inay waddo qorshe ay ku xoojinayso awooda guddiga doorashooyinka si ay doorashadooyinka Somaliland ugu qabsoomaan wakhtiga loo cayimay ee ah 2017, kaas oo ay hay’adu muujisay inay qabsoomi karaan.

 

 

Warbixintan oo ay hay’adu baahisay toddobaadkan, ayaa waxa soo turjumay wargeyska Geeska Afrika, waxaana warbixinta oo ay qortay Tihana Bartulac Blanc, ay u qornayd sidan: “Inta badan ee dadka reer Somaliland hadda ka hor may lahaan jirin, dhukumantiyo shakhsi ah oo faahfaahsan, iskaba daa xog la xidhiidha sawirka indhahooda. Laakiin imika ku dhowaad 1 Milyan oo qof oo ah dadka la filayo in ay ka codeeyaan doorashooyinka Somaliland, ayaa dhowaan haysan doona Kaadhka cod bixinta oo ah nooca ay ku kaydsan tahay xogta la xidhiidha indhaha qofku.

Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa xagaagii ina dhaafay ku guulaystay dhammaystirka hannaanka diiwaangelinta codbixiyaha kaas oo ururinta xogta ee loo adeegsanayey sawirka wiilka isha laga qaadayo ay u dheer taay, sawir faraha ah oo laga dhigayo qofka. Waxa aanu hadda Komishanka Doorashooyinku gacanta ku hayaa dib-u-eegista, wixii qaladaad ama ku celis ah ee dhacay, dhaqso ayaana ay u bilaabayaan daabacista iyo qaybinta kaadhadhka.

Dhamaystirka hawshan waxa ay Komishanka u tahay tallaabo weyn oo ay u qaadeen dhinaca dhismaha hannaan doorasho oo xoog badan iyo dhaqan dimuqraadiyadeed.

“Aad iyo aad ayaa aan ugu han weynahay, in aanu ku gudo jirno geeddi-socodkii aanu ku soo saaraynay mid ka mid ah kaadhadhka cod-bixiyaha ee indhaha sawirkooda lagu sameeyo ee ugu cilmiyeysan dunida, waxa aanu ugu soo saari doonnaa halkan, Somaliland” Sidaa waxaa yidhi, Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo ah guddoomiyaha Komishanka doorashoyinka Somaliland.

Inkasta oo ay Somaliland qabatay wareegyo doorasho oo kala geddisan, tan iyo intii ka dambaysay burburkii dawladdii Soomaaliya ee sannadkii 1991kii, iyada oo aanay codbixiyeyaasha Somaliland lahayn aqoonsiyo la isku hallayn karo, taas oo muddadaasba caqabad ku ahayd wareegyadaas doorasho ee kala duwan. Diiwaangelinta loo adeegsaday sawirka indhaha fulinteeda waxaa iska kaashaday Komishanka Doorashooyinka iyo mashruuca Midaynta, dhamaystirnaanta iyo sharciyadda dimuqraadiyadda, (Brining Unity, Integrity, and legitimacy to democracy project) oo ay maalgeliso haayadda Maraykanka u qaabilsan gargaarka dibadda ee USAID maalgelintiisana ay lahayd haayadda Creativity Associates international.

Mashruucan oo shan sano ahi waxa uu caawimo muhiim ah ka geysanayaa dhismaha nidaamka doorashada, xoojinta bulshada rayidka ah, iyo dhiirrigelinta ka qaybgalka rayidka ah, oo uu weliba si gaar ah diiradda u saarayo dumarka, dhalinyarada iyo dadka la takooro.

Bishii Sabtembar ee sannadkan, haayadda Creative oo kaashanaysa Komishanka doorashooyinku waxa ay qaadday dadaal loogu tartarmay oo lagu soo xulayo shirkad qandaraas lagu siiyo keenidda mishiinnada daabacadda ee u gaarka ah kaadhadhkan oo kale iyo weliba qalabka kale ee muiimka u ah, si loogu daabaco kaadhadka dadka isdiiwaangeliyey ee tiradoodu ku dhow dahay 1 Milyan, sidoo kale waxa uu mashruucani bixinayaa tababarro loo fidinayo Komishanka doorashooyinka Somaliland, si ay gacan uga geystaan soo saarista kaadhadhka.

Sharciga Somaliland waxa uu mamnuucayaa, in dibadda loo dhoofiyo xogta shakhsiga ah ee muwaadiniinta reer Somaliland, sidaas awgeed kaadhadhka oo madhan ayaa hadda la sii daabacaya, kadibna loo qaadayaa Hargeysa, si loogu daabaco kaadhka oo ay ku dhammaystiran yihiin xogtii shakhsiga ahayd ee qofka iyo sawirkiisu.

Awood-dhiska loogu diyaagaroobayo doorashooyinka soo socda

Iyada oo la filayo qabsoomidda doorashada madaxweynaha Somaliland ee qorshaysan in la qabto bisha March 2017 ka, ayaa mashruuca ‘ku xoojinta u midaysnaanta, u dhammaanta iyo sharciyadda dimuqraadiyaddu (Bringing Unity, Integrity and Legitimacy to Democracy project” waxa uu wadaa dadaal uu ku kordhinayo awooda Komishanka doorashooyinka Somaliland si waqtiga loo cayimay loogu dhamaystiro diiwaangelin codbixiye oo hufan lana hubin karo oo doorashada lagu galo.

Mashruucani waxa kale oo uu caawinayaa daabicista kaadhadhka cod-bixita ee dhammaan muwaadiniinta doorashada isu diiwaangeliyey, isaga oo kaashanaya dhinacyada maagelinayaa waxa uu gacan ka geysan doonaa qaybinta iyo qaadista qalabka, oo ay ku jiraan, mishiinnada daabacista kaadhadhka codbixiyeyaasha oo ah kuwo aad u tayo iyo awood badan, sidoo kale waxaa ku jira barnaamijyo kombiyuutar iyo wax yaabo kale oo hawshani u baahan tahay, waxa kale oo uu mashruucani Komishanka doorashooyinka ka caawin doonaa sida loogu shaqeeyo loona dayactiro qalabkan.

Si caawimo dhinaca awood-dhiska Komishanka ah oo dheeraada loo siiyo ayaana ay bishan laba xubnood oo Komishanka ka mid ahi u safri doonaan magaalada Paris ee dalka Faransiiska si ay u soo arkaan soo saarista kaadhadhka diiwangelinta ee madhan, kadibna waxa ay ku soo noqon doonaan Somaliland iyaga oo sida kaadhadhkan iyo qalabka daabacista.

Natiijada ugu dambaysaana waxa ay noqonaysaa nidaam cago adag ku taagan oo ay Guddida doorashooyinka Somaliland ku soo saari kari doonaan dalka gudihiisana xogta codbixiyeyaasha ugu daabaci doonaan kaadhadhka madhan, si loogu galo doorashooyinka soo socda ee madaxtooyada iyo baarlamanka, taas oo ay kaga maarmi doonaan gacan shisheeye oo daabacista kaadhadhka ka iibisa.

“Nidaamkan cagaha adag ku taagan, ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo loo adeegsanayo nidaamka sawirka indhuhu, waa tallaabo aad u weyn oo Somaliland ay qaadday, waxa aanay dadka u fududaynaysaa ka qayb qaadashada doorashada” sidaas waxaa yidhi, Denise Pauphinais, oo madax ka ah qayb ka mid ah mashruuca. “Dhammaystirkani waxa uu Somaliland khariiradda ugu soo darayaa in ay tahay horyaalka isticmaalka Tiknoolajiyadda (Doorashooyinka) waxa aanu tusaale u noqonayaa dalalka kale ee gobalka ku yaalla iyo kuwa ka sii durugsanba.”

Source:- Geeska

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews