berberatoday.com
Hargeysa”Shir Warbaahinta Qaar Loo Qabtay Iyo Dhacdooyin Xun Xun Oo Ku Gadaamnaa+Kulankaas Oo Dhinac Ka Rarnaa
November 10, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Ururka SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ayaa qabtay wax uu ugu yeedhay ama loo bixiyey boodhkii ciwaanka Shir Weynaha Caalamiga Ah Ee Arrimaha Saxaafadda Somaliland, isla markaana kulankaa ayaa ka duwanaa sida lagu tilmaamey ama loo sheegay martidii ka soo qayb-gashay munaasibad shir-qool aheyd oo laga been sheegay Wariyeyaasha ka hawl-gala Ha’yada warbaahineed ee madaxa-bannaan ee Somaliland.
Xubno saxafiyiinta inta badan ka hawl-gala Telifeeshanka qaranka iyo Idaacadda Radio Hargeysa,Wargeysyada dawlada ee dawan Warsugan iyo Sahan, ayaa lagu sheegay in saxaafaddii madaxa-bannaaneyd loo qabtay shirkan, isla markaana Wariyeyaashii kulankaas yimi ee ka socday, xitaa warbaahinta dawladda ayaa u badnaa beesha uu ka soo jeedo Guddoomiyaha Ururka SOLJA Xuuto.
Sidoo kale, qabyaaladii qaawaneyd iyo ceebtii ay sameeyeen hogaanka SOLJA, gaar ahaan Guddoomiye Xuuto, ayaa shirkaa lagaga been sheegay taariikhdii wariyeyaashii dhidibada u taagay Saxaafada Somaliland waxa laga masaxay oo meesha laga saaray taariikhdii weynayd iyo doorkii ay ku lahayihiin aas-aaskii dhidibada loogu taagey warbaahinta ka tisqaaday Somaliland oo soo martey marxalado kala duwan, duruufo adag iyo halgankii dheeraa ee ay u soo mareen inay hore u sii socoto oo midhaha laguranayo ee laga dhalxay maanta tahay baaxada weyn ee horumarineed ee xoriyada qalinka saxaafada Somaliland oo ay soo bandhigeen taariikh kala dhataalan.
Inkastoo shakhsi kasta oo ka mid ahaa wariyeyaashii ka soo hawl-galay saxaafadda Somaliland mid-ba meel kaga soo biiray oo uu meel soo gaadhsiiyey ee maanta inaga hooseeya alle ha u naxariistee sinnaanta xaquuqda qofka ama ha dhinta ama ha noolaadeed waa waajib in la ilaaliyo, warbaahintuna tahay goob u kala xaqsoorta dadka ama cadaalad looga baahan yahay inay tusaale u noqoto meesha ummadi ku dayato. Anigoo alle uga baryaaya innuu naxariistii ka waraabiyo Aabaha Saxaafada Somaliland Tuur Cabdi Shide. Iyo Cawke iyo dhamaan intii ka horaysay iyo intii ka dambaysay-ba waxa goobtaa lagu soo bandhigay ee shirkii saddexda waji ee kala duwan lahaa Xuskii marxuum Tuur Cabdu Shire iyo Cawke, balse arrintaa ayaa keentay muran markii ragga ruug-cadaaga ah ee aqoonta badana u leh raggii dhidibada u taagay warbaahinta Somaliland ayaa ka xanaaqay shirkaa oo uu ka mid yahay Agaasimaha Telifeeshanka Star iyo Wariyaha weyn ee Waji.
Inkastoo haddana shirkaa SOLJA lagu soo bandhigay muuqaal dhokomatari ah oo u dhacayey qaabkii loo baahinayey inay tahay taariikhdii suxufiyiinta waa weynayd ayaa waxa meesha gebi ahaan-ba laga saaray Wariyeyaal waa weyn oo xitaa qaar immika nool yihiin. Arrintan ayaa haddana waxay mar kale ka cadhaysiisay raggii bilaabay Wargeysyadii ka soo bixi jiray Hargeysa markii dalka dib loogu soo noqday 1991-kii iyo xubnihii aas-aasay ururka SOLJA, isla markaana hogaanka SOLJA ayaa soo bandhigay taariikh qabiilaysan oo u dhacaysay qabiil. Waxa laga saaray Mustafe Shiine oo ahaa laba jeer soo maray Guddoomiyanimad ururka SOLJA, Kayse Digaale oo taariikh weyn ku lahaa bilawgii warbaahinta Wargeysyada Somaliland. Guddoomiyaha Ogaal Muuse Jaambiir oo ahaa raggii bilaabay Wargeysyadii ugu horeeyay ee ka soo baxa Hargeysa oo ay ka mid yahay Codka Hargeysa Jambuuriya isaga iyo Kayseba ka soo wada shaqeeyeen. Waxa kale oo goobtaa ka cadhooday Waji oo gabi-ahaanba laga saaray taariikhdii ay soo martay Somaliland, waxaanuu yidhi oo ka mid ahaa hadalkiisii sidan:”Maxaynu isu sheegaynaa. Waxa la badelay taariikhdii oo qabyaalad ayaa lagu hayaa meesha. Waxa lagu soo dhajiyey oo aad aragtaan rag isku reer ah. Meeye ragii wariyeyaashii”
Hase yeeshee Guddoomiyaha Ururka SOLJA xUUTo ayaa ka been abuuray Warbaahinta Somaliland oo uu sheegay innuu tartan qoraal Wargeysyada iyo Telifeeshanada iyo Wabsaydyada u qabtay, oo qalab iyo shahaadooyin la gudoonsiiyey Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaano. Arrintaa ayaa yaab iyo ama kaag ku dhacday Wariyeyaal ku sugnaa halkan oo garan waayey meesha ay ku tartameen safaaxadda ka hawl-gasha Somaliland. Balse arrintaa waxa aad uga cadhoodhay oo ka baxay shirkaa dhamaan Wariyeyaasha Gobolada Bariga Somaliland, taasoo ay ku macneeyaan innaaney ogayn arrintan Madaxweynuhu uu shahaado sharaf gudoonsiiyey weriyeyaal la sheegay inay tartan ku guulaysteen. Inta badan iyadoo warbaahinta Madaxa-bannaan ee Somaliland aaney ka soo qayb-galin shirka SOLJA ee ka dhacay Hargeysa, isla markaana waxa goobtaa joogay wariyeyaal dawlada u badan iyo shakhsiyaad ku xidhan Xuuto, halka midhadh aan waxba ogeyn oo kaadhka loo geeyay, looguna sheegay innuu yahay shir lagaga hadlayo caqabadaha haysta warbaahinta iyagoo yaaban ay ka soo baxeen, laakiin shirkaa ayaa macanaha ay u qabteen hogaanka SOLJA aheyd siddii Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo u waydiisan lahaayeen dhaqaale lacageed iyo bajad uu Guddoomiye Xuuto sheegay innuu u diiday Wasiir cadaani oo kaga xaniban Wasaaradda Qorshaynta ee waxa loo yaqaan marshuuca Somaliland Fund Development.

 

 

 

Maxamed Aadan Dirir

Hargeysa/Somaliland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews