berberatoday.com
Maxamed Kaahin Iyo Ismaaciil Buubaa Oo Mar Kale Hawada Isu Mariyay Weerar Iyo Weerar Celis Siyaasadeed .
November 10, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddomiye-xigeenka 1aad ee xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed iyo Ismaaciil Maxamud Hurre (Buubaa) ayaa mar kale isweydaarsaday weerar iyo weerar celis siyaasadeed.

Maxamed Kaahin, ayaa khudbad uu ka jeediyay furitaanka shirkii golaha dhexe ee xisbiga UCID, wuxuu sheegay in KULMIYE iyo UCID ay iskaga mid yihiin inaanay hoggaanka xisbiga ka mid noqon dad uu sheegay inay ka yimaadeen magaalada Xamar ee dalka Somaliya. Maxamed Kaahin oo aan cadayn cidda uu hadalka ula jeedo balse loo arkay inuu ka hadlayo Ismaaciil Buubaa, ayaa yidhi

 

 

“Qoladan UCID mid qudha ayaanu ka mideeysan nahay haddii aanu Kulmiye nahay, mida qudha ee aanu ka mideeysan nahay waxa weeye in marba mid Xisbiga wax ka ah oo Madax ka ah in xagaas iyo Xamar iyo Xasan Sheekh iyo Shariif aanu tagin, taas waanu ka mideeysan nahay, waxa kale oo aanu ka mideeysan nahay in aanu mid Xamar ka yimid in hoggaanka Xisbiga Kulmiye iyo UCID aanu qabsanin.” sidaas ayuu yidhi Maxamed Kaahin.

Hase yeeshee Ismaaciil Buubaa oo hadda ka tirsan xisbiga Waddani oo isna la soo xidhiidhay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa ka jawaabay hadalkaas Maxamed Kaahin.

“Somalidu waxay ku maahmaahda Awrka laylugu biyaha kashkiisa ku jira ayuu ka didaa, Maxamed Kaahin malaa wuxuu ka didayaa biyaha kashiisa ku jira.

Markaas Maxamed Kaahin wuxuu ka didsan yahay saani ha u sheego, Aniga iyo Ina Kaahin iyo qolooyin fara badan oo aanu isku Askar ahayn SNM ayaa ka wada tirsanayn, sidaas oo ay tahay Maxamed waxa laga doonayaa inuu saani u caddeeyo waxa uu ka hadlayo, waxaanan Maxamed Kaahin leeyahay waxa kugu jira ayaad ka didsan tahay ee saani u soo anbabax oo is caddee oo ha ku meeraysan federal iyo waxaan loo jeedin.”

Buubaa oo la weydiiyay inuu cadeeyo fikirkiisa Somaliweyn wuxuu yidhi “Anigu waxaan u dhashay Somaliland, gooni istaaga Somaliland ayaan aamisan nahay, wax midnimo oo Somaliweyn ah oo aan aamisan nahay haddana ma jirto, markaas yaan dadka la jahaweerin.”

 

 

Source:- Geeska

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews