Mooshin Ka Dhan Ah Xukuumada Sabtida La Hor Keeni Doono Golaha Wakiilada Iyo Cida Soo Hor Dhigi Doonta”Daawo Muuqal
November 10, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah mudanayaasha golaha
wakiilada Somaliland isla markaana ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo maanta warbaahinta la hadley ayaa waxaa uu ugu horeyn khilaafka xisbiga UCID ku eedeyey in ay masuul ka tahay xukuumada iyo xisbigeeda Kulmiye
“Wax alaale wax kale oo haysaa xisbiga UCID ma jiro xisbiga waxaa haystaa waxaa weeye libin uu Faysal ka haysto xukuumada iyo xisbiga Kulmiye ” ayuu yidhi
Sidoo kale xidhibaan Siciid Rooble oo wareysi siiyey telefishanka HCTV waxaa uu sheegay in maalinta sabtida ay golaha hor keeni doonan mooshin ka dhan ah xukuumada kaas oo ay ku bad baadinayaan dlaka oo uu sheegay in uu mar xalad adag maraayo