Saddex Aan Ka Idhi Sadqayntii Xisbiga UCID: Qalinkii Muniir Axmed Cigaal
November 10, 2016 - Written by Berbera Today
Faysal Cali Waraabe waxaan leeyahay, ceebtaa maha ee waa caadada in lagu isticmaalo, maanta oo kaliya laguma isticmaalin ee Faqashtii ayaa ku isticmaashay oo UFO ayaad dhiigoodi dhaafsiisatay dhameel, waa la ogaa oo tariikhdii halganka ayaaba ka dhalatay taad samaysay, waxaanse kaga ciil la’ahay maanta Somaliland oo ku baratay, Hargaysa oo ku taqaana, Ciidagale weyne oo ku bartay, rer Guuleed Suldaan oo ku bartay iga-walle in aanad waxar jaban helayn. Hadad labadii doorasho min %17 keentay maanta %5 , helimaysid. Jamaal Cali Xuseen waxaan leeyahay , illahay ayaa Somaliland ka dhaliyay, dadkeenu waa dad wacan, lakiin runta uma kala sheegaan ka waalan iyo midka miyirka qaba, dadkeenu burburkii ku dhacay awgi..
Muniir Axmed Cigaal oo ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI aya musawir tafsiir wata wuxuu ka bixiyay Khilaafkii Xisbiga UCID labada garab iyo labada shir u kala dilaaciyay. Qoraal uu ku baahiyay bartiisa uu ku leeyahay shabakadda bulshadu ku kulanto ee Facebook-ga ayaa u dhignaa sidan.
Waxaan dhawr kalmadood ka odhanayaa hiilka KULMIYE, Farxada Muuse Biixi Cabdi, Gawraca Jamaal Cali Xuseen iyo Isticmaalka la Isticmaalay Faysal Cali Waraabe..
KULMIYE waxaan leeyahay, haddii aad hiil xaqdaro ah oo aad awooda ummadda ka dhaxaysa u adeegsateen aad samayseen waxa hadhay awoodi illahay oo qofka la dulmiyay ducadiisa aan xijaab isaga iyo alle u dhaxayn, maxkamadihiina, guddidiina diwaangalinta ee la soo canaantay iyo Wasaaraddiina Daakhiligaba waxa ka xoog weyn hiilka alle ee taas ogaada ..
Muuse Biixina waxaan leeyahay aad hawfarxin, haddii lagaa reebay Cabdicasiis Samaale, haddii laguu xoogay Maxamed Biixi Yoonis, haddii aad lacag iyo xukun dawladeeeba u adeegsatay Jamaal Cali Xuseen, haddii aad ku dabo gabanayso Sawirka Madaxweyne Siilaanyo. Tollow yaa ka reebaaya shacbiga Somaliland ee codka ka bixinaaya lixda Gobol ee dalka; kuwaas oo aan lagaa wada reebi karin kuuna wada raaci karin, Hillary Clinton oo Shan Madaxweyne ololaheeda ay ku jireen oo dawladii USA oo dhami tageeraysay waxa ka adkaaday Donald Trump, wax kalena mahe colaadii ay 30-kii sanno ee ay siyaasadda ku jirtay soo galaysay ayaa galaafatay, adna colaadu way kugu badantahay tan Jamaal na ku darso kuwii hore . Murashaxa Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi intaas u dhaafi maayo .
Faysal Cali Waraabe waxaan leeyahay, ceebtaa maha ee waa caadada in lagu isticmaalo, maanta oo kaliya laguma isticmaalin ee Faqashtii ayaa ku isticmaashay oo UFO ayaad dhiigoodi dhaafsiisatay dhameel, waa la ogaa oo tariikhdii halganka ayaaba ka dhalatay taad samaysay, waxaanse kaga ciil la’ahay maanta Somaliland oo ku baratay, Hargaysa oo ku taqaana, Ciidagale weyne oo ku bartay, rer Guuleed Suldaan oo ku bartay iga-walle in aanad waxar jaban helayn. Hadad labadii doorasho min %17 keentay maanta %5 , helimaysid. .
Jamaal Cali Xuseen waxaan leeyahay , illahay ayaa Somaliland ka dhaliyay, dadkeenu waa dad wacan, lakiin runta uma kala sheegaan ka waalan iyo midka miyirka qaba, dadkeenu burburkii ku dhacay awgii kooda caada qaataha ah iyo midkooda haldoorka ah wali way muransiiyaan. Illahay ayaa yidhi “Miyay simanyihiin kuwa wax garanaaya ee cilmiga leh iyo kuwa aan la hayn “. Maya ma isna yaa rabbi. Waxaad ahayd Aqoonyahan dhaba oo dalkan Jamhuuriyadda Somaliland aan aaminsanaa inuu ka dhigi karo mid mustaqbal loo aayo laga dhalin karo, waxaad ku guulaystay wax kasta oo nolosha adduunka loo tartamo, walle kama faa’iidi doonaan kuwii dabinka ku qoolay, kuwii Faysal Cali Waraabe kugu Isticmaalay, ama Wasiir ha noqdo, ama Xaakim Maxkamadeed ha noqdo, ama Tijaar ha noqdo, ama Murashax Xisbi oo ka baqay ha noqdo, ama mid tageere ah oo qalbiga ka raacay ha noqdee walle kama faa’iidaayo. .
Midbaanse kugu ogahay inaad samir badan tahay, adigoo ka shanaaya samirka alle , ha daalin si kasta iyo wax kasta oo ay kugu qaadatana ha yeelin in raggii ku ciilay ee ka hiiliyay ay ku lu-shaan iyagoo qabyaalad adeegsanaaya wax kasta oo ay kugu qaadato mar walba ka soo jeeso halka ka soo horjeeda iyaga si aanu u rumoobin hadafkoodu..
Waxaan hadyad ku siinayaa aynu isku ognahay Gabaygii Abwaankii weynaa ee Qaasim alle hawnaxariisto oo noqonaaya sidan .”
“In dagaal dhammaadaa qofkii doqoni moodaaye,
Nin da’weyni waa garan qabyada diillimaa hadhaye.
Hadduunbaa digtoonoow horliyo hawl la dawdabaye.
Debci yaan la odhan Ciidankay luguhu daaleene.”
Tusan.
Muniir Axmed Cigaal