berberatoday.com
“Shalay Iga Reebbaay Bay Ahayd, Berina ii Booba Ayaa Xigta, Haddaan Layska Bahaysan Horarka KULMIYE(Muuse Biixi)”Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada WADDANI
November 10, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Garabka dhallinyarada WADDANI, ayaa si adag u dhalliilay hab dhaqanka siyaasaddeed ee guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, waxaana uu sheegay in guddoomiyaha KULMIYE iyo colkiisu ay gacan weyn ku lahaayeen in qaab cadaaladda iyo shuruucda daka ka baxsan loo sad qeeyo hanka Murashaxnimada Madaxweyne ee Jamaal Cali Xuseen.
Md.Maxamed Siddiiq oo qoraal kooban soo dhiggay boggiisa Facebook, ayaa waxa uu u dhignaa sidan:
Sadqaynta Jamaal Cali Xuseen kuma koobna ina Cali-Waraabe, fahanka shaxda, fikirka gawraca, fallaadha sumaysan ee wadnaha lagaga ganay Jamaal waxa soo riddeeyay musharraxa Kulmiye. Xadhiga daldalaadda waxa qoorta u sudhay garabkii Ucidda xorta ah musharraxa garoonka tartanka in loo cidleeyo u golongolay. Alle mayna dilayaa ardaaga Kulmiye abaal lagu dagmaa ma yaal ee waxa taal arami aan hadhayn.
Jamaal ma jabeen haddaan loo jeebbayn saaxiibka guuldarada, musharraxnimada ma seegeen haddaan jabhad aan jixinjix aqoon in lagu joogsado dimuqraadayadda iyo tartanka dheeli tiran aanay gole iman. Gunnimo iyo xaqdarro ka weyn oo inna soomrtay ma jirto oo aan ka ahayn musharrax loo sadqeeyay musbarrax kale. Garaadka ummadda iyo garashadaa shacabka gobta ah ayay caayeen goosanka Kulmiye. Xoggagi isbedel doonka ahaa ee Ucid waxa ku dhacday xaqdarro xurmo iyo xeerin aan lahayn.
Xisbiyadda qaranka in loo bahdilo oo haayadaha loo dumiyo doonidda gurracan ee Jabhadka ceebbay ku tahay haayadaha garsoorka hebedka ah iyo guddiyada mushahrka loo yagleelay. guusha keliya ee hortaal Uciddi xorta ahay waa inay gebi ka shalwiyaan Dulmiga huursan ee Kulmiye, waa in laydinla dhadhamiyaa qadhaadhka guul darada. Xaqdarradi ku dhacday garbkii Jamaal waa xasuus kaydkii qadhmuuna ee jabhadda ku biirtay oo hoosta ka xariiqday inaan Kulmiye qabin kalsooni tartan.
Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews