Shalay iyo Hargeysa, iyo Shirarkii UCID. WQ: M. Haaruun
November 10, 2016 - Written by Berbera Today
Odhaahdii ahayd, “Aduunyada nin nooloow, maxaa aragti kuu laaban”, baa ka turjumaysay wixii Ceelkan Hargeysa ah ka dhacay shalay. Xukuumaddii wadanka ayaa laba shir, oo hay’adihii qaabilsanaa ku tilmaameen sharci darro, midkood si aan kala hadh lahayn uga qayb gashay lacagna ku bixisay, midkii kale na, isku dayday in ay hor joogsato, laakiin se si xun ugu fashilantay! Labadaas qiso ba Hargeysa ayaa ay ka wada dhaceen. Labada shir midkood xukuumadda ayaa daadihinaysay, ciidamada ilaalinaayay iyo dadka ka qayb galay na waa is leekaayeen, midka kale na, dadwaynaha ayaa waday. Maanta wixii dhacay ka dib, maba aha in xeer iyo sharci toona laga sheekeeyo. Dad makas iyo wax ma garato ah baa awooddii dadka ka dhaxaysay ku takri falaaya, xaalkuna waa “Maxaad iga qaadi kartaa”, hore ayaa se loogu jabay caqliyadda noocaas ah, inta aragtida gaabani se ma oga. Inta aan joogin amaba warku teel-teel ku ahaa aan u macneeyo sababaha uu sharci darro ku ahaa shirka huwanta Faysal iyo xukuumaddu:
1. Faysal waxa uu diiday in uu u hogaansamo amarkii Maxkamadda Sarre ee 25 September, kaas oo sheegaayay in guddi isku dhaf ah, oo laba dhinac ka koobani ay shir soo qabanqaabiso. Shirkiisa isaga ayaa iskii u abaabulay, xataa kolkii uu hawlaha shirka dhamays tiray, ayaa uu gudigii shanta ahayd ee lagu amray dhinaciisa soo magacaabay, iyada oo aanay hal shir isugu imanin gudigii labada dhinac na, shirkiisii baa uu qabsaday. Sabab sidaas ku kalifaysay baa jirtay, waana isaga oo ka dheregsanaa shir guddi loo dhanyahay soo qabanqaabiso, in aanu muraadka guracan ee uu leeyahay ka gaadhaynin, sidas darted ayana uu u garab maray isaga oo kalsooni ka haysta meel kale.
2. Gudiga Diiwaangelinta xisbiyadu waxa ay sheegeen, ka dib markii ay u cadaatay in aanay gudigii qabanqaabadu isu imanin, in shirka Faysal iyo midka kale ee garabka aqlabiyadda Xisbigu ba ay sharci darro yihiin. Go’aankaas Faysal baa diiday, sheegayna in aanu dan iyo muraad ka lahayn, waxna aanay ka qaadi karin.
3. Shirka uu Faysal qabsaday ee macmalka ahaa, waxa ka soo qayb galay badiba dad wada cusub oo aan abidkood UCID xubin ka noqonin. Amarkii maxkamadda ee 25 September na waxa uu ahaa in ay shirkan ka qayb galaan uun dadkii xaadiray shhirkii 2012 oo keliya.
4. Duruufaha kor ku sheegaan awgeed, Gudiga Diiwaangelinta xisbiyadu waa ay diideen in ay soo xaadiraan shirka Faysal sida xeerka wadanku dhigayo, laakiin uma joojinin ee waa iska wattay. Kol Hadii aan Madaxtooyadii haysto, cidii maqan iyo sharcigaba maxaa iga galay ayaa uu dhab ahaan is yidhi.
5. Marka u Faysal waxaas oo dhan samaynaayo, dabcan kalsooni baa uu ka haystaa xukuumadda, sidaas darted na, waxa u habeenimadii xalay ahayd kala shaqeeyay xukuumadda in garabka kale laga hor joogsado in ay shiraan, taasina sharci darro kale ayaa ay ahayd, waa ay se fashilantay oo shirkii garabka kale ma baaqanin, go’aamo na waa ka soo baxeen. BBC da ayaa uu ka sheegay xataa in uu Wasaaradda Daakhiliga isagu u sheegay in shirka kale laga joojiyo. In uu is fashilinaayo ma uu moodaynin ee waxa uu is lahaa itaalka waa aad faanaysaa!
6. Intaas oo dhami iyada oo jirta, waxa uu isu diyaarinayaa musharaxnimadii faalsada ahayd ee waxan oo xasarad iyo xumaan ah uu u galay, ee gar iyo gardaro ba uu ku doonaayay. Haba is sharaxo, laakiin xagee baa uu la tagayaa, yaa se dooranaaya; waa su’aal kale iyadu. Dabcan cidina ma dooranayso. Waxa ay ahayd in dadka noocaas oo kale ah meelo lagu hayo oo lagu dar-yeelo loo sameeyo dhab ahaan, ma se dhacayso sida muuqatta. Sababtu waxa ay tahay, Kulmiye ayaa u arka in uu Faysal guul u keenaayo, oo dadka ay iyaku is leeyihiin waa taageerayaasha Waddani uu kala jabinaayo, waa se xisaab qaldan, oo aad u qaldan. Waddani waa uuba ku kobcay siyaasaddaas liidata. Runtu taas weeyaan ninkii jecel iyo kii necebba.
Intaas oo dhan Hadii la isla saxaayo, oo aan wax mugdi ahi sarnayn, su’aashu waxa ay tahay, maxaa intan xigaaya? Dabcan waxa xigaaya dagaal dhinaca qaanuunka ah, maxkamad ayaana la iskula noqonayaa. Sharci yaa ah, yaan se ahayn dood ah baa bilaabmaysa. Xataa iyada oo ay jirto in hay’adaha garsoorka ee wadanka ay ceeb badani dul taalo, hadana wali waa la isla aadayaa oo wax kale ayaanba jirin. Xukuumadda shakhsiyaad ku jira oo makas ah iyo Faysal waxa ay samaynayaan wax kasta oo la isku dilo, waxa aan se rajaynayaa in wax noocaas ahi aanay marnaba dhicin. Ma jirto halis ku timaadda amniga iyo wadajirka bulshada oo ka wayn ku takri falka awoodda dadka ka dhaxaysa, iyo duminta cadliga. Kooxda Qawlaysatada Afduub Qaran (QAQ), ee dalqada indhaha ku lihi taas ma oga. Miyaan geedi baabuu arladu, gelinna waayaynin?
M. Haaruun