berberatoday.com
Madaxweyne Obama Xafiiskiisa Ku Qaabilay Donald Trump Oo Ku Guuleystay Madaxtinimada Dalkaas
November 11, 2016 - Written by Berbera Today

USA(Berberatoday.com)-Madaxweyne Obama iyo ninka xilka kala wareegi doona ee Donald Trump

 ayaa markii ugu horeysay ku kulmay Aqalka Cad, waxaana si rasmi ah ay u bilaabeen hannaanka xilka loogu wareejinayo maamulka xisbiga Jamhuuriga.

Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka, Donald Trump, ayaa ku tilmaamay Obama nin wanaagsan oo uu rajeynayo in uu marar badan la kulmo mustaqbalka.

 

 

Hadalka labada nin ayaa si weyn uga duwanaa kii ololihii doorashada, waxaana shirkooda jaraa’id uu ahaa mid kooban. Labaduba waxa ay u muuqdeen kuwo xasiloon, isla markaana ku qanacsan wadajirkooda.

Obama ayaa sheegay in ay kawada hadleen arrimo khuseeya siyaasadda gudaha iyo tan dibedda, isla markaana uu aad uga maqsuuday in Mr Trump uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo maamulkiisa xilka kasii degaya.

Mr Trump ayaa dhankiisa sheegay in uu jeclaan lahaa kulamo dheeraad ah oo uu mustaqbalka la yeesho madaxweyne Obama.

Intii uu socday ololihii doorashada, ayaa Mr Trump waxa uu wacad ku maray in uu meesha ka saari doono dhaxalka uu ka tegayo Obama, asagoona horay su’aal u geliyay in madaxweynahaasi uuba ku dhashay Maraykanka.

Mr Obama ayaa isaguna Trump ku tilmaamay mid khatar ah oo aan u qalmin hogaaminta Maraykanka.

Ayadoo uu xisbiga Jamhuuriga hadda leeyahay aqlabiyadda labada gole ee Congress-ka Maraykanka, ayaa Mr Trump waxa uu si fudud u beegsan karaa dadaalladii Obama, sida isbedelka uu ku sameeyay caafimaadka dalkaasi.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkaas

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews