berberatoday.com
Siciid Cilmi Rooble Oo Eedaymo U Jeediyay Madaxtooyada Iyo Faysal Cali Waraabe, Kuna Taliyey In Mooshin Loo Gudbiyo Baarlamanka
November 11, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland ee Xisbiga Waddani, ayaa Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ku eedeeyay in burburisay sharciga Dalka.

Warka Siciid Cilmi RoobleXildhibaan waxaa uu sheegay in xukuumaddu ay baa’biinayso xisbiyadii Qaranka isla-markaana Musharraxiintii isku hayay xisbiga UCID ay taageertay Guddoomiyaha Xisbigaas Faysal Cali Waraabe.

Xildhibaan Siciid waxaa kale oo uu sheegay in Mooshin ka dhan ah xukuumadda Somaliland uu keeni doono Golaha wakiilada Somaliland si xilka looga xayuubiyo.

“Kaantaroolladii waxaynu u baa’biinay inaynu dawlad noqono, haddaan sharciga la ilaalin waxaa nin waliba haysan lahaa Kaantaroolkiisii, Shuruucda iyo distoorka aynu sameysanay aynu ku dhaqano, Shuruucdii xisbiyada iyo kuwii dalka xukuumaddan way jabisay”ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo Shalay wareysi Siiyay Telefiishanka Horn Cable.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble waxaa uu khilaafka xisbiga UCID ku dhaliilay Xukuumadda Somaliland, isagoo sheegay in Faysal Cali Waraabe Garabkiisu qabsaday Shir isagoo ogolaansho ka haysta Xukuumadda.

“Xildhibaanada waxaan u soo jeedinayaa in maalinta Sabtida mooshin lagu badbaadinayno dimuqraadiyadda la keeno Golaha wakiilada, wixii hore ee dhacay iyo kuwo imika lagu saxayo”ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble waxaanu intaasi raaciyay oo uu farriin u diray Guddida Diwaangalinta Ururada siyaasada Somaliland oo sheegay in la jabiyay go’aanadii ay soo saareen.

“Guddida diwaan-gelinta la buri go’aankiinii, markaa Dalka ama Ninbaa qabsan,  ama Madaxtooyo ayaa qabsan oo dimuqraadiyaddii ayaynu halkaasi kaga tagi, haddii kale shirkaasi Faysal ayaad cambaareyn”.ayuu yidhi, wallow Shalay Guddida Diwaangelintu Sharci ku tilmaameen Shir uu Garabka Faysal Cali Waraabe ee UCID qabsaday.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews