Siyaasi Xamarji Oo Sheegay In Bur-Burinta Xisbiyada Qaranku Ka Mid Noqotay Astaamaha Xukuumaddu KULMIYE, Maxamed Kaahin-Na Ku Eedeeyey …
November 11, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Axmed Xaaji Cumar Cabdillaahi (Xamarji) oo ka tirsan saraakiisha xisbiga WADDANI
ayaa ka hadlay khilaafka xisbiga UCID iyo bur-burinta axsaabta qaranka ee astaanta u noqontay xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Mujaahid Xamarji ayaa xukuumadda Somaliland iyo xisbiga KULMIYE ku eedeeyey bur-burinta UCID, waxaana uu sheegay inay marinayso halkii ay hore u marisay xisbigii UDUB, isagoo xusay inay xisbiyada qaranku ka mid yihiin hantida ma guurtada ah ee qaranka Somaliland leeyahay, Axmed Cabdillaahi Xamarji oo ugu horayn ka hadlay shirkii uu garabka Faysal Cali Waraabe ku qabsaday Hargeysa iyo taageeradii ay xukuumaddu ka gaysatay ayaa waxa uu yidhi: